Ayaan Xirsi Cali oo weerar ku qaaday Ilhaan Cumar.

1
235
Ayaan Xirsi Cali, Ilhaan Cumar

Ayaan Xirsi Cali oo asalkeedu  Soomaali  yahay, kana baxday diinta Islaamka, ayaa weerar afka ah ku qaaday islamarkaana cambaareysay hadal ka soo yeeray Ilhaan Cumar oo ah xildhibaanad ka tirsan Aqalka Wakiillada ee waddanka Mareykanka.

Ilhaan ayaa shalay goob fagaare ah ka  sheegtay in hannaanka siyaasadda  iyo kan dhaqaale ee Mareykanka u baahan yahay wax ka beddel, sababtana waxay ku sheegtay in ay dad gaar ku intifaacayaan, kuwa laga faa’iidayana aan wax mudnaan ah la siinayn, si ay taasi meesha uga baxdo Ilhaan waxay ku baaqday in wax laga beddelo nidaamkaas.

“Nidaamka dhaqaale iyo kan siyaasadeed ee Mareykanka ma ahan mid cadaaalad samaynaya,  wuxuu mudnaanta siiyaan kuwa gaar ah,  wax shaqo ah kuma laha qofka faa’iidaya iyo kan laga faa’iidayo wuxuu u baahan yahay wax ka beddel” ayeey tiri Ilhaan Cumar.

Ayaan Xirsi ayaa naqdisay hadalka  Ilhaan, waxaanna waraysi ay siisay Fox News ku sheegtay in Ilhaan oo ka mid ah wakiilada sharci dejinta Maraykanka in hadal nuucaas ah uu ka soo yeero ay  la yaab ku noqotay, waxaanna ay difaacday in nidaamka Mareykanka aanu u baahnayn in wax laga beddelo sida ay sheegtay Ilhaan, ee uu yahay mid damaanad qaadaya xorriyadda sinaanta iyo cadaaladda.

“Maxay ugu soo qaxday Muqdisho.? Maxay uga soo qaxday dowlad la’aan iyo fowdo.? Maxay kaga soo qaxday dulmi, oo ay Maraykanka u timid, haddana ay i doonaysaa in ay Minnesotta aad u beddesho Muqdisho” Ayeey tiri Ayaan Xirsi.

Dooddan cusub ee u dhexeysa labada gabdhood ee Soomaalida ah, ayaa waxaa gurbaankeeda si wayn u gaaracaya qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka, gaar ahaa kuwa siyaasadda midigta  waana arrin si gaar ah ay u farxad galineysa dhinacyo kala duwan oo ay colaad siyaasadeed  kala dhexeyso Ilhaan Cumar.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

1 Comment
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments
Mohamed
Mohamed
3 years ago

Ilhaan & gabadha kale labada kaba aysan lahayn ayeygashteen waxayna la tageen shaqadii Somalida oo ah in waxlasiiyo ama aymucaradaan & in cidacadaha laga shego ayaa waxweyn la ah sida Somalida dhaqankeeha nindenbiile ah ayaa qofkale waxkasheegaya dadka hortooda xishoot majiro waa lagu adeeg taa Dan dal&dad mayaqanaan ee waxay cada u ah waxksta uukuhadlo denbilaha inlatageero