tirsdag, april 16, 2024

Xisaabxirka Tawfiiq sanadkii 2019: -4 milyan, sanadkii 2018: + 3 milyan.

Maxkamada khilaafaadka madaniga ah ee magaalada Oslo ayaa isbuucii hore soo saartay xukunka khilaafka mudada soo jiitamayay uu dhaxeeya labada koox ee soomaalida ah, kuna saabsan maamulka masaajidka weyn ee Tawfiiq.

Maxkamada ayaa go´aankeeda ku cadeysay in labada guruub ee maxkamadu ay dacwadoodu qaaday, uusana midkoodna ku guuleysan kiiska, balse ay mid walba ka ogolaatay qaar kamid ah waxyaabihii ay soo bandhigeen, halka kuwo kalena ay ka diiday. Xukunka maxkamada kuma cada waxa laga yeeli doono khilaafka, iyada oo mar kale awooda xalinta khilaafka dib ugu soo celisay gacmaha labada guruub ee soomaalida ah ee is heysta. Qaadiga ayaa xukunkiisa ku qeexay in natiijadu ay tahay in labada dhinac uusan dhinacna guuleysan, wuxuuna mid walba gaarkiisa ugu xukumay inuu bixiyo qarashka maxkamada kaga baxay:

Resultatet er at ingen part har vunnet fullt ut, men begge har fått medhold av betydning.
Retten ser ikke grunnlag for å tilkjenne noen part erstatning for sakskostnader fra
motparten etter reglene i tvl § 32-2, jf §§ 20-3 eller 20-4. Etter resultatet bærer hver part
sine sakskostnader.

Dhaqaalihii masaajidka maloo soo sii deyn doonaa:

Mid kamid ah dhaawacyada ugu weyn ee masaajidka kasoo gaaray khilaafkan soomaalida dhexdeeda ah, ayaa ah in dowladu ay si kumeel gaar ah mudo sanad ah hada u hakisay dhaqaalihii uu masaajidku heli jiray oo sanadkii dhamaa 8 milyan oo kr.

Go´aankii ugu danbeeyay ee kasoo baxay xafiiska gobolka Oslo dhamaadka bishii Maarso, ayaa lagu sheegay in dowladu ay hakineyso bixinta taageerada dhaqaale ee masaajidka, ilaa laga xalinayo khilaafka soomaalida dhexdeeda ah ama ay maxkamad gaaraneyso go´aan sharciyeed oo lagu kala saar0 laba guruub ee is heysta. Halkan ka akhri warbixinta arintaas.

Su´aasha ugu badan ee dadku hada is weydiinayaan ayaa ah, in masaajidka dib loogu soo sii deyn doono dhaqaalihii uu taageerada uga heli jiray dowlada iyo in kale, maadaama maxkamada khilaafaadka Oslo ay soo saartay go´aan aan dhameystirneyn, kaas oo siyaabo kala duwan loo fasiri karo. Iyo in gobolka Oslo uu ku qanci doono go´aanka maxkamada iyo in kale. Sidoo kale ma cada talaabada xigta oo ay qaadayaan labada kooxood ee is heysta, inay heshiin doonaan iyo inay hadana mar kale maxkamada degmada isla aadayaan.

Dhaqaale xumo xoogan sanadkii 2019: 4 milyan oo minus ah.

Sida ku qoran xisaabxirka uu maamulku masaajidka Tawfiiq u gudbiyay dowlada, waxaa sanadkii lasoo dhaafay khilaafkan awgii masaajidka soo gaaray dhaqaale xumo baahsan, maadaama la joojiyay ishii dhaqaale ee ugu weyneyd oo aheyd taageerada dowlada.

Xisaab xirka Sanadkii 2018, waxaa ku cad in masaajidku uu sameeyay faa´iido(overskudd) gaareyso ku dhawaad 3 milyan kr, halka sanadkii tagay ee 2019 uu masaajidku galay khasaaro(underskudd) kor u dhaafeyso 4 milyan. Hoos ka akhri tirooyinka, xisaabxirka oo dhana ka fiiri halkan:

Codsi wacyigalinta Korona-virus:

Documentiyo lasoo galiyay webka hey´adda IMDI, ayaa tilmaamayo in masaajidka Tawfiiq uu kamid ahaa boqolaal urur oo codsaday lacag ay dowladu u qoondeysay wacyigalinta xanuunka Corona, wuxuuna masaajidka oo codsiga ku sheegay inay la shaqeeyaan ilaa 15 maraakis oo kale uu codsaday lacagta wacygalinta Corona-virus oo gaareyso 500.000 kr.

Masaajidka iyo ururo badan oo ajaaniib ah oo lacagtaas codsaday, ayaan wali helin jawaabta codsiga oo lagu waday inay soo baxdo dhamaadka bishii may ayaa dib u dhacday sababo la xiriira arrimo farsamo, si ay noo sheegeen madaxda IMDI oo aan la xiriirnay.

Sidoo kale intii lagu jiray xanibaada xanuunka Corona, waxaa hoos u dhac xoogan uu ku yimid sadex ilood oo kale oo masaajidku uu ka heli jiray dhaqaale lagu maareeyo howlaha masaajidka, inkasta oo xisaabxirka uusan ku cadeyn qaabka dhaqaalahaas loo maamulo in cadadkiisaba. Waxaana kamid ah dugsiyada quraanka oo ay dhigtaan caruur boqolaal gaareyso, maqaaxida masaajidka oo la kireeyo iyo xajka oo boosaska masaajidka loo qoondeeyay oo loo qeybiyo ganacsato soomaali ah iyo mu´tamarka diiniga ah oo sanad walba ay kasoo qeybgalaan kumanaan soomaali oo laga iibiyo tigidyo ay ku galaan muxaadarooyinka.

Sida ay dhowr mar sheegeen maamulka masaajidka, wuxuu masaajidku inta badan ku socdaa oo howlihiisa lagu fulayaa dhaqaale taburacaad ah oo ay iska uruuriyeen dadka masaajidka ku tukukada.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x