Wasiirka shaqada Norway oo Corona-virus laga helay.

0
77
Torbjørn Røe Isaksen (H): Wasiirka waxbarashada Norway

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Norway, Torbjørn Røe Isaksen oo xisbiga Høyre katirsan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in laga helay cudurka Corona-Virus. Sidoo kalena wasiirka caafimaadka, iyo wasiirka qoyska iyo sinaanta ayaa iyagana kujiro karantiilis, kadib markii looga shakiyay inay cudurka qaadeen.

Wasiirka shaqada Norway ayaa sheegay inn xaaladiisu ay aad u fiicantahay, kadib markii uu dareemay calaamado fudud oo cudurka ah. Isaga oo sheegay inuu si caadi ah uga soo shaqeyn doono gurigiisa, xitaa hadii uu qaaday cudurka oo karantiilis lagu sameeyay.

Wasiirka shaqada Torbjørn Isaksen ayaa sheegay inuusan tagin wadamada uu cudurku ku fiday ama uusan ogeyn inuu la kulmay dad cudurka qaba.

Wasiiru dowlaha wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa shaley laga celay cudurka, kadibna waxaa baaritaan lagu sameeyay wasiirka oo isna cudurka laga helay.

Dowlada ayaa hada baaris ugu jirto dadkii uu wasiirku la kulmay, si loo ogaado dad kale oo cudurka qaaday.

Xigasho/kilde: Torbjørn Røe Isaksen har fått påvist smitte av coronavirus.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments