45.000 qof ayaa NAV lacag ka dalbaday 5 maalin gudahood.

0
86

Xafiiska shaqada iyo caawinta dadweynaha ee NAV, ayaa sheegay in shantii maalmood ee ugu danbeysay ay isku soo gaareen codsiyada dad ka badan 45.000 qof oo shaqadii laga fariisiyay, kuwaas oo dalbanaya lacagta dagpengerka.

Shaley oo kali ah NAV ayaa sheegtay inay soo gaareen 26.900 codsi oo ku saabsan lacagta dagpengerka.

Waxaa intaas dheer ilaa 17.000 qof oo soo diiwaangaliyay inay shaqada uga fariisteen arrimo la xiriira xanuunka cudurka Corono-virus, waxaa tiradaas sidoo kale kamid ah dadka xanuunka looga shakiyay ee karantiilka lagu sameeyay.

Madaxa hey´adda NAV ayaa sheegtay in tiradaas ay sii kordhi doonto maalmaha soo socdo. Iyada oo sheegtay in tirada dadka cusub ay ku biireen kumanaankii qof ee horey ugu xirnaa ama caawinta uga heli jiray hey´adda.

NAV ayaa dadka ka codsaneyso inaysan xafiisyada NAV imaan, balse ay codsiyadooda kasoo dirsadaan internetka, si loo yareeyo faafista xanuunka.

Xigasho/kilde: Nav sliter med å ta unna korona-køen – har fått 45.000 søknader om dagpenger.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments