Sida uu qoray wargeyska Bergens Tidende, hey addaha canshuuraha Norway ayaa dabagal ku heyso dad gaarayo 400 boqol oo qof oo u badan soomaali, kuwaas oo lagu tuhmayo inay sabeeyeen khiyaano iyo wax isdaba marin dhaqaale oo la xiriira canshuur bxinta.
Baaritaanka oo socday mudo, ayaa hey adda canshuuruhu ay sheegtay inay ku ogaadaan in dadkan ay si qaldan u buuxin jireen waraaqaha canshuur celinta, si ay u bixiyaan canshuur ka yar inta ku waajibtay, ama ay sidoo kale dib u helaan canshuur ay bixiyaan , iyaga oo adeegsanayo macluumaad aan sax aheyn.
Erik Nilsen, oo madax ka ah la dagaallanka dambiyada canshuuraha ee Skatteetaten, ayaa kiiskan ku tilmaamay mid ka mid ah baaritaannadii ugu cuslaa ee hay’addu samayso sannadihii dambe. Baaritaannada ayaa lagu ogaaday dad si aan sax ahayn u dalbaday canshuur-dhimis la xiriirta deymo, hanti, kharashaadka safarka iyo arrimo maaliyadeed oo kale.
Magaalada Bergen, booliska ayaa nin asal ahaan Soomaali ah ku soo oogay eedeyn la xiriirta khiyaano canshuureed oo culus. Boolisku waxay tuhunsan yihiin in ninkan uu 13 qof ka caawiyay dalbashada canshuur-dhimis aan sax ahayn, taas oo sababtay in dadkaas ay dib u helaan canshuur celin gaareyso ilaa sadex milyan. Ninkan ayaa sidoo kale la sheegay inuu dadka ka qaadan jiray lacag, marka ay hey adda canshuuruhu dib lacag ugu soo celiso dadka uu waraaqaha u buuxiyay. Waxaana la sheegay inuu isku dar uu ka qaatay lacag gaareyso 400,000 oo kr.
Ninka eedeysan ayaa diiday inuu dembi galay, wuxuuna sheegay in isaga laftiisa la khiyaaneeyay uuna yahay qof dulmane ah. Ni
Skatteetaten ayaa sheegtay in dadka lagu helo canshuur-dhimis aanay xaq u lahayn laga dalban karo inay lacagta dib u bixiyaan, iyadoo lagu darayo ribo iyo canshuur dheeraad ah oo gaari karta 60 boqolkiiba. Kiisaska ugu culus waxaa loo gudbin karaa booliska oo waxa ay isku badali karaan kiis maxkamadeed uu qofku xabsi ama ciqaab kale ku mudan karo.
Ilaa hadda shan kiis oo ka dhan ah dad lagu tuhunsan yahay inay dadka kale u fududeeyeen khiyaanada iyo 12 kiis oo ka dhan ah canshuur-bixiyeyaal ayaa booliska loo gudbiyay.
Waxaa muhiim ah in la kala saaro dadka baaritaanka lagu hayo iyo kuwa dembi lagu caddeeyay. Weli lama xaqiijin inta ka mid ah 400-ka qof ee si ula kac ah u bixiyay xog khaldan, inta khalad samaysay iyada oo aan ogayn iyo inta ay suurtagal tahay in dad kale khiyaaneeyeen. Baaritaannadu weli way socdaan.
Halkan kasii akhri: Flere hundre med somalisk bakgrunn etterforskes for skattesvindel