Guddiga ka hortagga takoorka ee Norway(Diskrimineringsnemnda), ayaa go’aamiyay in haweeney Muslimad ah lagu takooray diinteeda, kadib markii goobteeda shaqo oo ah xarun caafimaadka ilkaha ah ay u diiday fasax shaqo oo la xiriira dabaal dega ciida. Haweeneyda ayaa loo xukumay magdhow gaaraya 10,000 oo kr.
Kiiska ayaa soo baxay kadib markii haweeneydu ay codsatay fasax shaqo 24 maalmood ka hor maalinta Ciidda. Sida uu sheegay guddiga Diskrimineringsnemnda, goobteeda shaqada ayaa isla maalintaasba diiday codsigeeda fasaxa.
Farriimo qoraal ah oo kiiska lagu soo bandhigay dhageysiga kiiskan ayaa muujiyay in madaxii goobtaas shaqada uu sheegay haweeneydan in xaruntoodu aysan shaqaaleysiin dad raba fasax ka baxsan maalmaha fasaxyada rasmiga ah ee Norway. Haweeneyda ayaa sidoo kale lagu wargaliyay inay shaqada ka tagto(iska casisho) hadii aysan soo xaadirin maalintaas ciida ah oo aysan shaqada imaan.
Guddiga kahortaga takoorka ayaa go’aamiyay in hab-dhaqankaasi uu ahaa takoor ku saleysan diin, sidaas darteedna ay haweeneydu xaq u leedahay magdhowga lacageed ee gaaraya 10 000 kr.
Sharciga Norway ee ururrada diimaha iyo caqiidooyinka wuxuu dadka leh ciidaha diimeed ee ka duwan ciidaha rasmiga ah siinayaa xaq ay ku qaadan karaan ilaa laba maalmood oo fasax ah sannadkii. Shaqaaluhu waa inay goobtooda shaqada ogeysiiyaan ugu yaraan 14 maalmood ka hor, waxaana goobta shaqadu ay xaaladaha qaarkood dalban karaa in saacadaha shaqada dib loo guto.
Kiiskan, haweeneydu waxay codsiga gudbisay waqti ka dheer muddada sharcigu dhigayo.
Go’aankani wuxuu muhiim u yahay Muslimiinta iyo dadka kale ee leh ciidaha diimeed ee aan ku jirin jadwalka fasaxyada rasmiga ah ee Norway.
Xigasho/kilde: Muslim nektet fri på helligdag – får 10 000 kroner i oppreisning