Trandum: Norway oo xabsiga kasii deysay qoxooti ay rabtay inay dalalkoodii u celiso.

0
141

Sida ay war saxaafadeed ku sheegeen laanta booliska Norway u qaabilsan qoxootiga(PU), waxaa xabsiga tarxiilka qoxootiga diidmada haley ee Trandum laga sii daayay dad kor u dhaafayo 10 qof, kuwaas oo markii hore la qorsheeyay in la tarxiilo.

PU ayaa sheegay inay go´aansadeen inay dadkan xabsiga kasii daayaan, maadaama la xanibay duulimaadyadii u duuli jiray wadamada la rabay in loo tarxiilo, ama wadamada ay Transittka kusii ahaan lahaayeen.

PU ayaa sidoo kale sheegay in isbuucan gudihiisa lasii deyn doono dad kale oo qoxooti ah, inkasta oo go´aan cad aan arinkaas wali laga gaarin.

Dhamaan dadka xabsiga laga sii daayay ayay PU sheegeen in la geeyay xero kaam ah, ama adress gaar ah oo lagu ogaan doono.

Xigasho/kilde: Løslatelser fra utlendingsinternatet

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments