Listhaug: Waa in qofku uu 10 sano deganaado Norway, si uu u codsado sharciga dhalashada Norwiijiga

0
169

Wasiirada arimaha soo galootiga dalkan Norway, Sylvi Listhaug(FRP) ayaa soo jeedisay in sanado dheeri ah lagu kordhiyo mudada shardiga ah ee uu qofku  ku qasbanyahay inuu degenaado Norway, si uu u codsan karo sharciga dhalashada.

Qofkii raba inuu hada(xiligan) codsado dhalashada Norway, waxaa ku waajib ah inuu wadanka degenaadaa mudo 7 sano ah, laakiin Listhaug ayaa rabto in mudadaas laga dhigo 10 sano.

Wasaarada dastuurka dalkan Norway ee uu wasiirka ka yahay Per-Willy Amundsen(FRP) ayaa sidoo kale soo jeedisay in dadka Norway yimaado iyaga oo ka yar 18 sano, loo kordhiyo mudada ay sugayaan codsashada dhalashada Norway, loogana dhigo 7 sano, halka ay hada ka tahay 5 sano.

[adsenseyu2]

Listhaug ayaa sheegtay in qaadashada dhalashada Norway ay haboontahay inay noqoto mid aan si fudud lagu heli karin. Iyada raacisay inay waajib tahay in qofku uu xiriir qoto-dheer la lahaado dalkan Norway, si uu u codsado ama uu u qaato jinsiyada.

Dadka danbiyada gala:

Listhaug ayaa dhanka kale soo jeedisay in sanado dheeri ah lagu daro, mudada ganaaxa ah ee la ciqaabo dadka danbiyada gala, isla markaana raba inay codsadaan dhalashada Norway. Waxeyna soo jeedisay in dadka danbiyada gala la ciqaabo mudo ugu yaraan 3 sano, ugu badnaana 37, 5 sano.

Wasaarada dastuurka ayaa sidoo kale soo jeedisay in si gaar ah loogu adkeeyo dadka gala danbiyada lidiga ku ah danaha asaasiga ah ee qaranimo ee dalkan Norway. Listhaug ayaa raacisay in argagaxisadu aysan xaq u yeelin doonin inay qaataan dhalashada Norway.

Soo jeedintan ayaa kamid ah soo jeedimo iyo sharciyo darandoori ah oo isbuucyadii ugu danbeeyay kasoo baxayay xukuumada uu waqtigeedu sii dhamaanayo ee Erna Solberg. Waxeyna arintan kusoo aadeysaa, iyada oo ay soo dhowdahay doorashada baarlamaanka.

FRP ayaa sidoo kale sanadkii 2010 soo jeediyay in isla soo jeedintan ku saabsan in la adkeeyo qaadashada dhalashada Norwiijiga, laakiin baarlamaanka ayaa ka diiday ansixinta arintaas. Mar kale ayay hada baarlamaanka Norway hordhigeen isla soo jeedintaas, waxaana laga yaabaa inay markan u meel-marto, hadii ay taageero ka helaan xisbiyada kale ee baarlamaanka.

Dadka ugu badan ee qaata dhalashada Norway, ayaa ah dadka qoxooti ahaanta kusoo gala Norway ee kasoo jeeda dalalka Afrika iyo Aasiya. Dadka kasoo jeedo dalalka kale ee Yurub iyo Latin Amerika ayaan inta badan codsan dhalashada Norway, xitaa hadii ay sanado badan ku noolyihiin dalkan.

Xigasho/kilde: Aftenposten.no

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments