Sida ku xusan qoraal lagu daabacay bogga rasmiga ah ee dowlada Norway(regjeringen.no), dowlada Norway iyo Soomaaliya ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay wada shaqeynta dib u celinta qoxootiga Soomaaliyeed ee diidmada rasmiga ah ka heysta codsiyada magangalyada Iyo xoojinta wada shaqeynta labadda hey addaha socdaalka labadda wadan.
Kulankan oo dhacay 18-kii Nofeembar 2026 ayaa dhexmaray Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway, Åsmund Aukrust, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Abdisalam Abid Ali, oo Oslo u joogay shir ay ka qaybgalayeen wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Waqooyiga Yurub iyo Afrika.
Waa wadahadalladii rasmiga ahaa ee ugu horreeyay ee labada dal yeeshaan tan iyo markii ay sannadkii 2024 saxiixeen heshiis laba geesood ah oo lagu xoojinayo iskaashigooda.
Labada wasiir ayaa ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo taageerada Norway ee dhismaha hay’adaha dowladda iyo xasilloonida dalka. Taageeradaasi waxay diiradda saaraysaa xoojinta kalsoonida shacabka iyo hay’adaha dowladda, iyo kordhinta ka qaybgalka haweenka iyo dhallinyarada ee arrimaha bulshada.
Wasiirka Norway, Åsmund Aukrust, ayaa sheegay in Soomaaliya ay horumar samaysay sannadihii u dambeeyay, balse uu walaac ka qabo xaaladda amniga iyo khilaafaadka siyaasadeed ee la xiriira doorashooyinka aan weli lagu heshiin qaabkii ay u dhici lahaayeen. Wuxuu madaxda Soomaaliya ugu baaqay inay raadiyaan heshiisyo siyaasadeed oo loo dhan yahay, isla markaana abuuraan jawi suurtagelinaya wadahadal siyaasadeed oo ballaaran.
Qodob kale oo muhiim ah oo kulanka looga hadlay ayaa ahaa iskaashiga socdaalka ee labada dal. Arrimaha la soo hadal qaaday waxaa ka mid ahaa dib-u-celinta dadka diidmadda rasmiga ah ka helay codsiyada magangalyada, iyo sidii loo xoojin lahaa caawinta la xiriirta sidii ay dadkaas dib ula qabsan lahaayeen soomaaliya marka ay dalkoodiii ku noqdaan. Labadda wasiir ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta awoodda iyo wada-shaqeynta hay’adaha socdaalka ee labada dal.
Labada wasiir ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladda carruurta iyo dhallinyarada soomaali Norweejiyaanka ah ee iyaga oo aan raali ka aheyn lagu hayo Soomaaliya, iyada oo wasiirka horumarinta Norway uu sheegay in Norway iyo Soomaaliya ay arrintaas iska kaashan doonaan ka hor tageeda.
Dhanka kale, Norway ayaa sii wada taageerada bani’aadannimo ee Soomaaliya, maadaama colaadaha, abaaraha iyo fatahaaduhu ay weli saameynayaan nolosha dad badan.