Turkiga oo daabulay muwaadiniintiisa Norway ku sugan.

0
143

Dowlada dalka Turkiga ayaa daad gureyn u sameysay ilaa 3600 qof oo ku sugan sagaal wadan oo Yurub ah, Norweyna ay kamid tahay. Wadamada sagaalka ah ee dadka laga qaaday ayaa ah wadamada uu ku faafay caabuqa Corona-virus.

Turkiga ayaa 34 diyaaradood usoo diray si dadkaas dalkoodii loogu celiyo. Waxeyna isugu jiraan dal-xiisayaal, ganacsato iyo ardey Turki ah oo xiligan ku sugan wadamo Yurub ah.

Dalalka dadkan laga daad-gureynayo ayaa ah Germany, Spain, Faransiiska, Austrlia, Norway, Denmark, Sweden, Belgiumka iyo Holland. Turkiga ayaa sidoo kale joojiyay duulimaadyadii ugu imaan jiray sagaalkan wadan.

Muwaadiniinta Turkida ah ee dalalkaas laga qaado ayaa lagu sameyn doonaa Karantiilis socon doonto mudo 14 maalmood ah.

Xigasho/kilde: Tyrkia evakuerer statsborgarar frå Noreg

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments