Wadamada Yurub oo gacmaha u taaganayo Shiinaha.

0
114

Reysulwasaaraha dalkan Norway ayaa shir jaraa´id oo qabatay ku sheegtay in dowladeedu ay xiriir la sameysay dowlada Shiinaha, si ay uga wada hadlaan suurtogalnimada in Norway ay Shiinaha kaso qaadato qalabka looga hortago faafista cudurka Corona-virus.

Waxaa Norway codsigaas kaga horeeyay oo mar horeba jawaab ka helay Shiinaha dowlada dalka Talyaaniga. Shiinaha ayaa hada Talyaaniga ka caawinayo sidii ay u yareyn lahaayeen, loona xakameyn lahaa faafista cudurka Corona-Virus.

Sidoo kale dowladaha kale ee Yurub ayaa saf ugu jiro sidii ay Shiinaha ugu heli lahaayeen qalabka lagu xakameeyo cudurka iyo talooyin la xiriirta sidii looga hortagi lahaa.

Dalalka Yurub iyo Galbeedka ayaa dhowr bilood uun kahor Shiinaha ku eedeynayay ineysan shaqo fiican ka qaban xakameyna faafista cudurkaas, hadana isla iyagii ayaa Shiinaha caawin toos ah iyo mid dadbanba weydiisanayo.

Shiinaha ayaa ilaa xad ku guuleystay inay xakameeyaan faafitaanka cudurkan, waxaana hada si caadi ah kusoo noqday nolosha magaalooyin waaweyn oo bilo kahor xirnaa.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments