Sweden: Imtixaanadii qaranka, sanadkan lama qaban doono.

0
130

Hayadda maamulka iskuullada dalka Sweden, ayaa ku talo jirta inay joojiso dhammaan imtixaannadii qaran ee dugsiyada sare iyo dugsiyada hoose/dhexe ee dalkaas ka dhici lahaa sannadka, sida ay hay´addu ku qortay boggeeda.

Arrinkaa ayaa loo sababeeyey xaaladda uu dalku ku jiro ee la xiriirta xanuunka corona ee covid-19.

Tallaabadan ayaan weli go’aan dhab ah laga gaarin, sida war saxaafadeedka ku cad, hase yeeshee si deg deg ah loogu kala direy heyadaha ey khuseeyso. Balse maalmaha foodda innagu soo haya lagu dhawaaqi doono go’aanka kama dambeeysta ah.

– Hayadda iskuulladuna waxay go’aan ka gaari doontaa in la qaban imtixaannadii qaran ee guga ee sannadka 2020, sida uu shir jaraa’id ka sheegay Peter Fredriksson, agaasimaha guud ee hayadda maamulka iskuullada ee skolverket.

Xigasho/kilde: Sveriges-radio-soomaaliga

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments