Isaga oo Corona-virus qabo, ayuu xaflad aaday: 20.000 kr ayay boolisku ku ganaaxeen.

0
127
Booliska Sweden

Xafiiska laga xukuma booliska gobolada Sogn og Fjordane & Hordaland, ayaa sheegay inay ganaax 20.000 kr siiyeen nin qabay cudurka Corona-virus oo ka qeybqaatay xaflad ay dad isugu imaanayeen.

Ninkan oo ka warqabay, loona xaqiijiyay inuu qabo Corona-virus, ayaa jabiyay amarka la siiyay ee ah inuu dadka kale ka dheeraado, gurigiisana uusan kasoo bixin. Waxaana booliska kusoo wargaliyay dad la socday xaaladiisa.

Ninkan ayaa hadii uu bixin waayo 20.000 kr ee ganaaxa ah, wuxuu muteysan karaa xabsi dhan 40 maalmood.

Booliska Norway ayaa isbuucii ugu danbeeyay aad uga shaqeynayay inay la socdaan dhaq-dhaqaaqa dadka loo xaqiijiyay inay qabaan corona-virus, kuwaas oo lagu amray inay guryahooda joogaan.

Dowlada Norway ayaa horey booliska u siisay awood dheeri ah, oo ay kula socon karaan dadka qaba xanuunka Corona-virus ee guryaha kasoo baxa.

Xigasho/kilde: Koronasmittet gikk på fest – får saftig bot

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments