torsdag, april 25, 2024

Norway oo halmilyan oo marada afka lagu xirto ah ka heshay, wadan la qariyay.

Si aad ula socoto wararka NorSom News oo muuqaal ah, halkan riix, kadibna Subcribe saar, si ay joogto ugula socoto.

Dowlada dalkan Norway ayaa maanta gudoontay xamuulka hal milyan oo marada afka lagu xirto ah iyo qalab kale, kuwaas oo loogu talagalay in looga hortago faafitaan xanuunka Corona-virus.

Marada afka lagu xirto oo kamid ah waxyaabaha aas-aasiga ah ee looga hortago faafista xanuunka ayaa gabaabsi kusii aheyd dhamaan xarumaha caafimaadka gobolada iyo degmooyinka Norway. Waxaana jirtay cabsi ah in guud ahaanba Norway laga waayo, xili ay sii badanayaan tirada dadka uu ku dhacayo xanuunka Corona-virus.

Erna Solberg oo Neeftu ay ka fogday:

Reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg oo goob ka aheyd marka ay Norway gudoomeysay xamuulkan, ayaa sheegtay in xiligii saxda ahaa ee loo baahnaa ay kusoo aadeen xamuulkan, ayna hada ka dagi doonto wel-welkii ka heystay arintan.

Solberg ayaana sheegin wadanka ay Norway ka heshay xamuulkan ay kujiraan maryaha afka lagu xirto iyo qalabka kale ee looga hortago faafitaanka xanuunka Corona-virus. Waxeyna muujisay qaabka ay ugu

Wasiirka caafimaadka iyo hey´adda ilaalinta caafimaadka dadweynaha, ayaa dhankooda aad usoo dhaweeyay helista qalabkan.

Xigasho/kilde: Norge har fått en stor last med smittevernutstyr fra utlandet

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x