Hey´adda qoxootiga oo bogeeda kusoo qortay fariin kusocoto soomaalida.

0
145
Agaasimaha UDI-da : Frode Forfang

Hey´adda qaabilsan qoxootiga ee magaceeda loo yaqaan UDI-da ayaa maanta oo isniin ah bogeeda kusoo daabacday war ku socdo soomaalida Norway, gaar ahaan dadka degenaanshaha codsaday wixii ka horeeyay 27-kii bishii Maarso 2017.

Waxeyna sheegeen in hada loo kala cadeeyay qaabka ay arintaas uga shaqeyn doonaan, ayna jawaab dadka kusoo siin doonaan mudo 4 isbuuc ah. Dowlada Norway ayaa UDI-da uga soo jawaabtay su´aal ay horey u weydiiyeen, waxaana loo cadeeyay in dadka degenaanshaha codsaday wixii ka horeeyay 27-kii Maarso 2017, isla markaana shuruudaha degenaanshaha buuxiyay xiligaas, wax danbi ahna aan galin, aysan ku jirin guruubka magangalyadooda dib u qiimeynta lagu sameynayo. Halkan ka akhri

27-ka Maarso 2017 ayay dowladu sheegtay inay noqon doonto xiliga laga bilaabi doono in amaanka magaalada Muqdisho uu soo fiicnaaday.

Qoraalka hey´adda qoxootiga ayay ku sheegeen inay afar isbuuc qofka ugu soo jawaabi doonaan go´aanka ku saabsan dib i qiimeynta magangalyada iyo inkale, kadibna ay ka shaqeyn doonaan codsiga degenaanshaha. Waxeyna sheegeen in isku dar ay arintan rabaan inay kaga dhamaadaan wixii ka horeeyo bisha August ee sanadkan.

Qoraalkooda waxaa ku xusan in dadka raba codsadaan sharciga dhalashada, in xiligii uu jawaabta sugayay loo xisaabin doono, hadii aad degenaanshaha codsatay bil kahor inta aysan kaa dhicin magangalyadii kumeel gaarka aheyd.

Halkan kasii akhri qoraalkooda ay bogeeda kusoo daabaceen.

F.G: Wararka NorSom News oo maqal iyo muuqaal ah, waxaad kala socon kartaa barteena Youtube-ka: Riix halkan, Subcribe/Abonner).

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments