Hooyaday ma booqan karo, cabsi aan ka qabo Corona-virus inaan qaadsiiyo owgeed.

0
84

Dhakhaatiirta iyo hey´addaha caafimaadka dalalka aduunka oo dhan ayaa dadka dhalinyarada ah uga digayay inay xanuunka qaadsiiyaan waalidoontood iyo dadka da´da ah ee la nool.

Norway waxaa la mamnuucay in la booqdo xarumaha lagu xanaaneeyo dadka waayeelka, halka dhalinyarada iska shakisana lagula taliyay inay ka fogaadaan waalidkood iyo dadka kale ee xanuunka u nugul.

Dalka Sweden waxaa laanta Afka soomaaliga idaacada Sveriges Radio la hadlay muwaadin lagu magacaabo Cabdicasiis Cilmi, kaas oo u sheegay inuusan mudo booqan hooyadii oo waayeel ah, magaalada Stocklomna ay ku wada noolyihiin. Isaga oo ka cabsi qabo inuu qaadsiiyo xanuunka Corona-virus oo xaafadaha ajaaniibta magaalada Stocklom dad badan soo ritay. Abdisiis ayaa SR u sheegay:

«Hooyadeey dhowr isbuuc ma la kulmin, waa da´ weeyntahay markaa waxaan ka baqaya in aan qufaceeyga qaadsiyo, ayuu sheegay Abdiasis Elmi oo aan hubin qufacu in uu yahay Corona mise hargab»

Halkan ka dhageyso wareysiga Abdiaziiz ee Sveriges Radio.

NB: Wararka NorSom News oo maqal iyo muuqaal ah, waxaad kala socon kartaa barteena Youtube(Halkan riix, Subcribe saar(Abonner).

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments