Dowlada: NAV ha fududeyso shuruudaha helista ceyrta.

0
110

Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa waraaq ay u dirtay hey´adda NAV ku wargalisay inay fududeeyaan shuruudaha la xiriira helista lacagta kaalmada danyarta ee loo yaqaan ceyrta(Sosialhjelp).

Wasaaradda ayaa NAV ku wargalisay inay yareeyaan shuruudaha adag ee la xiriira helista lacagta ceyrta qaarkood, sida kuwa la xiriira in qofku uu baabuurkiisa ama gurigiisa iibiyo, kahor inta uusan soo codsan lacagta ceyrta.

Waxaana sidoo kale lagu wargaliyay NAV inay fududeeyaan shuruudaha la xiriiro cadeynta ama document-gareynta qarashaadka qofka ka baxay. Ujeedka arintan ayay dowladu sheegtay in qofku uusan waayin wax uu ku noolaado mudada lagu jiro xayiraada Corona-virus.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Torbjørn Røe Isaksen ayaa sidoo kale NAV ka codsaday inay qiimeeyaan ama il gooni ah ku fiiriyaan caruurta iyo qoysaska caruurta heysta. Wuxuuna tusaale usoo qaatay inay laga maarmaan noqon karto in la iibsado waxyaabo digital ah, sida buugaag iyo ciyaaro kala duwan, kuwaas oo qeyb ka qaadan karto in bulshadu ay heysato wax ay qabato xiliga xayiraada Corona-virus.

(F.G: Si aad u hesho wararka NorSom News oo maqal iyo muuqaal ah, halkan riix, barteena Youtube-ka: Subcribe/Abonner).

Xigasho/kilde: Regjeringen gjør det enklere å få sosialhjelp

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments