War farxad leh: Soomaalidii degenaanshaha looga dhagnaa oo dowladu ay arintooda war kasoo saartay.

0
134
Wasiiradda cadaalada Norway: Monica. Foto: regjeringen.no

Sida ay bogeeda rasmiga ah kusoo qortay dowlada Norway(Regjeringen.no), wasaaradda cadaalada ayaa ugu danbeyn hey´adda qoxootiga ee UDI-da uga soo jawaabtay waraaq ku saabsaneyd qaabka looga shaqeynayo kiisaska dadka soomaalida ah ee degenaanshaha sugayay mudada dhowrka sano ah.

UDI-da ayaa bartamahha sanadkii lasoo dhaafay waraaq u dirtay wasaaradda cadaalada, waxeyna ka codsatay inay u cadeeyaan qaabka go´aanka looga gaari karo ka shaqeynta kiisaska 1600 soomaali ah, kuwaas oo lagu wargaliyay in dib u qiimeyn lagu sameyn doono magangalyadooda.

Hey´adda ka sareyso UDI-da ee UNE ayaa sanadkii tagay sheegtay in dhamaan dadka degenaanshaha codsaday wixii ka horeeyay 27-kii bishii Maars ee sanadkii 2017, isla markaana buuxiyay shuruudaha degenaanshaha inay xaq u leeyihiin inay degenaansho helaan. Taariikhdaasna ay noqoto marka laga bilaabayo xiliga uu isbadalka dhanka amniga ah ku imaaday xaalada amni ee koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho. Halkan kasii akhri.

Dowlada ayaa UNE hada ku raacday soo jeedintaas, waxaana hada UDI-da loo ogolaaday in dadkii codsaday degenaanshaha, buuxineyna shuruuda wixii ka horeeyay 27-kii bishii Maarso 2017, aan kiiskooda dib u qiimeyn lagu sameyn doonin. Ayna xaq u lahaan karaan degenaasho rasmi ah.

Go´aankan ayaa war farxad ah u ah boqolaal soomaali ah oo dhowr sano sugayay jawaabta degenaanshaha, kadib markii lagu wargaliyay in arintooda dib loogu noqon doono. Waxaana hada cadaaneyso in inta badan dadka jawaab sugayaasha ahaa ay heli doonaan degenaansho, maadaama badankood ay codsiga dirsadeen, wixii taariikhdaas ka horeeyay.

NB: Si aad ula socoto warkan iyo wararka kale ee NorSom news oo maqal iyo muuqaal ah, Halkan riix: Barteena Youtube-ka kadibna Subcribe(Abonner).

Xigasho/kilde: Halkan ka akhri jawaabka dowlada ee kiiska dadka soomaalida ah.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments