FHI: 33% dadka caabuqa Corona laga helay, waxey ka dhex qaadeen Norway gudaheeda.

0
89
Foto: CNN

Hey´adda caafimaadka dadweynaha (Folkehelseinstituttet) ayaa saacado kahor sheegtay in ilaa hada caabuqa COVID-19(Corona-virus) laga helay 1280 qof oo Norway kunool.

Hey´adda ayaa sheegtay in 359 qof oo dadka caabuqa laga helay ah ay cudurka ka qaadeen gudaha Norway. Tiradaas oo u dhigta in sadexdii qofba oo cudurka laga helayba, uu hal qof oo kamid ah cudurka ka qaaday Norway gudaheeda.

 752 qof ayay FHI sheegtay inay cudurka kasoo qaadeen wadamada dibadda, halka ilaa hada aan meesha ay caabuqa ka qaadeen la xaqiijin ilaa 49 qof.

Ilaa hada inta la hubo waxaa caabuqa COVID-19 u dhintay sadex qof Norway gudaheeda.

Xigasho/kilde: FHI: 1 AV 3 HAR FÅTT SMITTEN I NORGE.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments