Norway: Maxaabiista xukunada fudud oo xabsiga laga sii deyn karo.

0
95

Sida uu qoray wargeyska VG, hey´adda qaabilsan ilaalinta maxaabiista ayaa rabto in xabsiyada lasii daayo maxaabiista ku xukuman, xukunada fudud, kahor inta ay xukunkooda dhameysan. Taas oo looga danleeyahay in looga hortago faafitaanka caabua Corona-Virus.

Ilaa hada labo qof oo kamid ah ilaalida maxaabiista Norway, ayaa laga helay caabuqa Corona-virus. Iyada oo hey´adda ilaalada maxaabiistu ay sheegtay inay ka cabsi qabto inuu cudurku ku faafo xabsiyada Norway.

Wargeyska VG oo soo xiganayo hey´adda ilaalinta iyo xanaaneyta maxaabiista, ayaa sheegtay in maxaabiistan xabsiyada laga sii deyn doono, kahor inta aysan xukunkooda dhameysan:

-Dadka lagu xukumay wax ka yar 90 maalmood oo xabsi ah, ayaa xabsiga laga sii deyn doonaa 10 maalin kahor inta aysan xukunkaas dhameysan.

-Dadka lagu xukumay 90 maalmood oo xabsi ah ama ka badan, ayaa iyagana xabsiga laga sii deyn doonaa 20 maalmood kahor maalintii ay xakunka xabsiga dhameysan lahaayeen.

-Dadka lagu xukumay 6 bilood oo xabsi ah ama ka badan, ayaa iyagana xabsiga laga sii deyn doonaa 30 maalin kahor maalmood kahor maalintii loo qorsheeyay inay xabsiga ka baxaan.

Xigasho/kilde: Kriminalomsorgen: Vil løslate innsatte med kortere dommer.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments