Norway oo xudeeda xirtay: Garoomada diyaaradaha iyo dekadaha oo dadka laga celin doono.

0
145
Foto: CF Wesenberg

Reysulwasaaraha dalkan Norway, Erna Solberg oo daqiiqado kahor soo gaba-gabeysay shir jaraa´id oo ay qabatay ayaa sheegtay in dowlada Norway ay xirtay xuduudaheeda, gaar ahaan garoomadaha diyaaradaha iyo dekadaha

Waxeyna reysulwasaaruhu sheegtay in dhamaan dadka raba inay Norway soo galaan, lagu celin doono xuduuda, loo diidi doono inay wadanka soo galaan. Si loo yareeyo fiditaanka cudurka Corona-virus.

Reysulwasaaraha ayaa dhanka kale ka codsatay dadka Norway degan ee ku maqan wadamada dibadda, ee raba inay dalka kusoo noqdaan, ay la xiriiraan shirkadaha diyaaradaha, ayna qorsheeyaan qaabkii ay guryahooda ugu soo noqon lahaayeen.

Dadka raba inay wadanka ka baxaan ayay sidoo kale dowladu ka codsatay inay iyagu iskood masuul uga yihiin la xiriirista shirkadaha diyaaradaha, iyo helista xogta ah in loo ogolaan doono galista wadanka ay u socdaan. Waxaana dadka laga codsaday inay la socdaan bogga wasaaradda arrimaha dibadda ee talo-bixinta safarada.

Xigasho/kilde: Coronatiltak: Norge kommer til å stenge flyplasser og havner.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments