Dhalmo yaraanta Norway oo sanadkii 3-aad oo isku xiga kor u kacday.

0
152

Sida lagu sheegay tirokoob ay sameysay wakaalada xog uruurinta ee SSB, waxaa sanadkii lasoo dhaafay Norway ku dhashay 54.495 ilmood, taas oo 600 ilmood ka yar tirada caruurta aheyd ee Norway ku dhalatay sanadkii 2018. Sanadkii 2018, waxaa Norway ku dhashay 55.100 ilmood.

SSB ayaa sheegtay in sanadkii 3-aad oo isku xiga ay hoos u dhacday tirada ilmaha ah ee sanadkii Norway ku dhashay.

Hadii ilmaha Norway ku dhashay sanadkii 2019 loo qeybiyo tirada dumarka ah ee Norway kunool, waxey ka dhigantahay in isku cel-celis ay haweenka Norwiijiga ah ay dhalaan 1,53 cilmood(Calaa haweenay). Halka sanadkii 2018 ay tiradaas aheyd isku cel-celis 1,56.

Waxey ilmaha koowaad ku dhalaan 30 sano:

SSB ayaa sidoo kale sheegtay in haweenka Norwiijiyaanka ay ilmaha koowaad dhalaan, marka ay da´doodu ku dhawaato 30 sano (29,8), Halka raga Norwiijiga ah ay ilmaha koowaad dhalaan marka ay da´doodu gaarto 32 sano.

Haweenka ajaaniibta ah oo dhalmo yareeyay:

Si lamid ah haweenka Norwiijiga ah, haweenka ajaaniibta ah ee Norway kunool ayay sidoo kale SSB sheegtay inay dhalmo yareeyeen. Sanadkii 2019 haweeneyka ajaaniibta ah ee Norway kunool ayaa isku cel-celis dhalay 1,77 ilmood(Calaa haweenay). Halka tiradaas ay sanadkii 2018 aheyd 1, 87 calaa haweenay.

Reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg ayaa marar badan haweenka Norwiijiga ah ka codsatay inay badiyaan dhalmada ilmaha.

Xigasho/kilde: Rekordlav fruktbarhet for tredje år på rad.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments