Dalada ururka Islaamka: Masaajida Norway ha baajiyeen salaada Jimcaha iyo kulamada kale ee waaweyn.

0
96
Gudoomiyaha dalada ururada muslimiinta Norway: Cabdiraxmaan Diiriye.

Dalada ay ku mideysanyihiin ururada islaamka Norway (Islamisk Råd Norge, IRN), ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegay in dhamaan masaajida iyo ururada muslimiinta Norway ay ugu baaqayaan inay baajiyaan isku imaanshaha salaada jimcaha iyo kulamada kale ee waaweyn ee masaajidu ay qabtaan. Si looga hortago fiditaanka caabuqa Corona-virus. Halkan kasii akhri.

Gudoomiyaha dalada ururka ay ku mideysanyihiin ururada islaamka Norway ee IRN, Cabdiraxmaan Diiriye ayaa NorSom News u sheegay in go´aankan ay maamulka dalada IRN qaateen, kadib markii ay dhageysteen talooyinka wasaaradda caafimaadka iyo dhakhaatiirta Norway, ayna qiimeeyeen khatarta sii kordheysa ee faafitaanka caabuqa Corona-virus.

Wuxuuna gudoomiyaha IRN NorSom News u sheegay in masaajida iyo goobaha ay muslimiintu isugu imaadaan, ay xiranyihiin dadweyne ay kamid yihiin waayeel iyo caruur u nugul qaaditaanka viruska. Sidaas darteed ay muhiim tahay in masaajida muslimiintu ay qaataan go´aano muhiim ah, oo looga hortagayo faafitaanka caabuqa Corona-virus.

Golayaasha deegaanka magaalooyinka Oslo iyo Bergen ayaa horey u mamnuucay in la qabto kulamada dadweynaha oo ay isugu imaanayaan wax badan 500 qof, si looga hortago khatarta faafitaanka caabuqa Corona-Virus.

Sidoo kale galabta waxaa shir u balansanaa maamulka dalada IRN iyo maamulada inta badan masaajida Norway, iyaga oo ka tashanayay wixii laga yeeli lahaa xaaladaha caafimaad ee Norway kusoo korortay iyo khataraha ku xeeran. Qodobada ugu waaweyn ee galabta ay maamulada masaajidu ka doodayeen, waxaa kamid ahaa in gabi ahaanba la xiro masaajida muslimiinta Norway, si looga hortago in caabuqu uu ku dhex faafo bulshada muslimiinta ee ku xiran masaajida.

Wixii kusoo kordha dib ayaan kasoo galin doonaa.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments