Wadamadan ayaa ilaa hada mamnuucay in «Norwegianku» ay dalkooda soo galaan.

0
162

Wasaaradda arrimaha dibadda Norway ayaa maanta muwaadiniinta Norwiijiyaanka ah ku wargalisay inay jiraan wadamo dadka Norwiijiyaanka ah u diiday inay dalkooda soo galaan. Sababo la xiriira cabsida cudurka Corona-Virus.

Waxeyna wasaaradu muwaadiniinta Norwiijiyaanka ee safarada gali raba ku wargalisay inay la socdaan xeerarka socdaalka dalka ay rabaan inay u safraan.

Dalka Sucuudiga ayaa sheegay inay visaha soo galitaanka aysan siin doonin muwaadiniinta Norwiijiganka ah, aysana dalkooda soo gali karin ilaa amar danbe.

Dalka Uganda ayaa iyagana sheegay inay Norway galiyeen «Kategori 2» ama booska labaad ee dalalka xaaladooda sida gaarka ah loola socdo. Dowlada Uganda ayaa sheegtay inay muwaadiniinta Norwiijiyaanka ah u diidi doonto inay dalkooda soo galaan, hadii Norway ay gasho «Kategori 1″ ama booska koowaad ee dalalka xaaladooda lala socdo.

Vietnam ayaa iyana sheegtay inay Norway ku dartay dalalka xaaladooda sida hoose loola socdo, balse ma cadeyn inay Norway ku dareen dalalka aysan muwaadiniintoodu dalkeeda soo gali karin.

Israel ayaa muwaadiniinta ajaaniibta ah ee dalkeeda soo gala ku xireyso meel mudo 14 maalmood ah, si loo xajiiyo inay viruska Corona qabaan iyo inkale.

Wasaaradda arrimaha dibadda Norway ayaa sii raacisay in qof walba uu iskiis masuul uga yahay inuu la socdo xeerarka safarka dalalka uu u safrayo.

Xigasho/kilde: Disse innreisetiltakene har andre land for nordmenn.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments