Skien: Shir masaajid lagu qabtay oo gacan ka hadal isku badalay.

0
154

Sida ay qorayaan warbaahinta lokalka ah ee magaalada Skien, kulanka sanadlaha ah ee xubnaha masaajidka magaalada Skien, ayaa isku badalay gacan ka hadal. Kadib markii nin codsaday in howlaha masaajidka ay noqdaan kuwo daahfuran oo dhamaan xubnaha masaajidka ay ka warqabaan, ay weerar kusoo qaadeen labo nin oo kale.

Ali Farraj Salem Abo Jraida oo ah ninka la weeraray oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay weerar kusoo qaadeen labo nin oo midkood uu yahay gudoomiyaha masjidka. Kadib markii uu codsaday inay daah furnaadaan howlaha masaajidka, loona soo bandhigo xubnaha masaajidka.

Wuxuuna warbaahinta u sheegay in loo qaaday xarunta «lege-vaktaha» skien, maadaama la gaarsiiyay dhowr nabar oo kala duwan. Isaga oo raaciyay inuu booliska dacwad uga gudbiyay labada nin ee feerka la dhacday.

Ali Farraj Salem ayaa sheegay inuu kulan ku balansaday xubnaha masaajidka, uuna rabo inuu kulan kale la qaado maamulka masaajidka.

Siyaasiyiinta lokalka ee magaalada Skien ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay gacan ka hadalka ka dhex dhacay masaajidka Skien. Waxeyna sheegeen in wax walba oo ku saabsan howlaha masaajidka ay aheyd in si furan oo dimuqraadi ah looga hadlo shirka sanadlaha ah ee masaajidka.

Xigasho/kilde: Rystet etter moské-slåsskamp

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments