Xeer ilaaliyaha guud ee Norway oo diiday inuu dib u furo xukuno qaldan oo qoxootiga laga gaaray.

0
148
(Foto:Riksadvokaten.no)

Bishii November ee sanadkii 2019, xafiiska maxkamada caalamiga ah ee ICJ ay ku leedahay Norway, ayaa waraaq u diray xeer ilaaliyaha guud ee Norway. Iyaga oo ka codsaday in dib loo furo kiisaska dad qoxooti ah ee Norway dhexdeeda loo xukumay sifo aan xeerka qoxootiga aan waafaqsaneyn.

Kiisaska ay ICJ-da Norway codsatay in dib loo furi dhageysigooda, ayaa ah kuwo la xiriira dad loo xukumay danbiyo la xiriira inay Norway kusoo galeen baasaboor faaliso ah(aan kooda aheyn), kuwaas oo qaarkood markii danbe laga tarxiilay Norway.

Sharciga Norway ayaa dhigayo inay danbi tahay inuu qofku Norway kusoo galo baasaboor faaliso ah, waxaana qofkii arintaas lagu qabto, aana sheegin sabab lagu qanci karo oo ku kaliftay inuu baasaboor faaliso qaato, uu muteysan karaa ciqaab xabsi ah.

Balse xeerka caalamiga ah ee qoxootiga, ayaa qofka qoxootiga ah ee naftiisa u cabsanaya u ogolaanayo inuu qaadan karo baasaboor faaliso ah, hadii ay jirto sabab ka horistaagi karto inuu qaato baasaboorkiisa rasmiga ah. Norway ayaa horey u saxiixday xeerka qoxootiga caalamiga ah, waxaana dowlada Norway waajib qaanuuni ah ku ah inay raacdo ama tixgaliso qodobadiisa .

Nin qoxooti ah oo arintaas darteed diidmo ku helay:

NRK ayaa wareysatay nin u dhashay dalka Iran, kaas oo ay maxkamad ku xukuntay danbi ah inuu Norway kusoo galay baasaboor faaliso ah. Ninkan oo magangalyo doon ahaa, ayaa markii danbe diidmo ka helay codsiga magangalyada, isaga oo lagu eedeynayo inuu Norway gudaheeda ay maxkamad ku xukuntay fal danbiyeed.

Fal danbiyeedka ninkan lagu heystay, uuna ku helay diidmada sharciga magangalyada ayaa ah mid ku saabsanaa inuu Norway kusoo galay baasaboor faaliso ah.

Ninkan ayaa sheegay inuu ka dhuumanayay dowlada Iran, uuna naftiisa u cabsanayay. Sidaas darteed uu doortay baasaboor aan kiisa aheyn, si uu socdaalkiisa ugu fududaado, naftiisana aysan qatar u galin.

ICJ: Kiisaskaas dib haloo furo.

Xafiiska maxkamada caalamiga ah ee ICJ ayaa codsaday in xeer ilaaliyaha guud ee Norway uu dib u furo dhamaan kiisaska arintan la xiriirta, maadaama ay jiri karaan dad badan oo ay saameyn arintan ku yeelatay. Waxeyna dalbadeen in kiisaska loola dhaqmo, si lamid ah sida kiisaska ay saameysay fadeexada hey´adda NAV.

Waxeyna ICJ sheegtay in dad badan oo arintan loo xukumay aan loo qaban qareen sharci ahaan fahansiin karay dhibaatada ku imaan karto, hadii aysan bixin faah-faahin lagu qanci karo oo ku saabsan sababta ay baasaboor faaliso ah u qaateen. Iyaga oo cadeeyay in qaabka dadka loola dhaqmay iyo qaabka sharciga loo fasireyba ay aheyd mid aan waafaqsaneyn xeerka qoxootiga ee caalamiga ah.

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ayaa sheegay inuu arintan ku wargaliyay qareenada dowlada ee gobolada, ayna dib u saxeen ilaa shan kiis oo markii hore si qaldan loo xukumay. Balse wuxuu diiday inuu xafiiskiisa uu si rasmi ah dib u furin ugu sameeyo kiisaska.

ICJ ayaa dalbaneyso in arintan ay boqolaal qof oo aan la ogeyn ama wadanka ka maqan ay saameyn ku yeelatay. Waxeyna sheegeen inay dareemayaan in qaabab kala duwan uu xafiis xeer ilaaliyaha uu ula dhaqmayo kiisaska qoxootiga iyo kan NAV.

Xeer ilaaliyaha guud ee Norway ayaa shaqsi ahaan codsaday in dib loo furo dhageysiga kiisaska NAV, halka uu hada diidanyahay inuu kuwo qoxootiga dub u furo.

Xigasho/kilde: Riksadvokaten sier nei til gjenåpning av flyktningsaker

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments