fredag, april 19, 2024

(Xog uruurin): Xagee ku danbeeyay khilaafkii maamulka Towfiiq?: Ma heshiiyeen mise maxkamad ayay isla aadeen?

Dhamaadka sanadkii 2019 iyo bilowga sanadkan 2020, warbaahinta Norway ayaa aad u hadalheysay khilaaf dhanka maamulka ah oo ka dhex taagnaa labo koox oo soomaali ah, kuwaas oo isku heysta maamulka masaajidka Towfiiq.

Xafiiska gudoomiyaha gobolka Oslo ayaa joojiyay lacagtii taageerada ahayed ee la siin jiray masaajidka, taas oo sanadkii dhameyd 7, 8 milyan kr. Waxaana xigay in xafiiska gudoomiyaha gobolka Oslo uu ku hanjabo inuu masaajidka ka saari doono liiska ururada diimaha ah, hadii aan lagu heshiin maamulkiisa.

Drammen: Maraakiis sawirka soo gashay:

Dhamaadka sanadkii 2019 waxaa khilaafka maamul ee masaajidka Towfiiq soo dhexgalay gudi ay iska dhex saareen dhowr iyo toban masjid oo ay soomaali maamusho, kuwaas oo ku yaala hareeraha magaalada Oslo. Waxaana abaabulkooda lahaa masaajidka Abu bakar ee magaalada Drammen.

Maraakiista ayaa xalinta khilaafkan ku bixiyay waqti, qarash iyo dadaal aad u badan. Waxeyna ugu danbeyn ku guuleysteen inay si hordhac ah heshiis u dhex dhigaan labada koox ee masaajidka isku heysatay maamulkiisa. Maraakiista ayaa bilowga bishii January sheegay in lagu heshiiyay khilaafkii Towfiiq, kaliyana ay xiligaas harsanaayeen qodobo farsamo. Halkan ka akhri

Waqtiga ay dowladu soomaalida u qabatay oo yaraa dartiis, waxey maraakiista oo adeegsanayo qareen ay qabsadeen iyo labada qareen ee labada kooxood ee is heystay, ay maamulka gobolka Oslo ka codsadeen in loo kordhiyo xiliga uu maamulka Oslo dalbaday in lagu heshiiyo khilaafka maamul ee masaajidka. Maamulka gobolka Oslo ayaa waqtigii ay horey u qabteen ku daray labo isbuuc oo dheeri ah, si loo dhameeyo qodobada farsamo ee la xiriira xalka khilaafka Towfiiq.

Gudiga Towfiiq oo diiday heshiiskii maraakiista:

Sida ay NorSom News ka xaqiiqsatay gudiga farsamo ee maraakiistu ay u saareen xalinta howshan, gudiga hada ku qoran maamulka masaajidka Towfiiq ayaa diiday in la dhameystiro heshiiskii ay kasoo shaqeeyeen maraakiista. Waxeyna ku doodeen inaan loo baahneyn wax heshiis ah oo maamulka masaajidka ku saabsan, maadaama ay dowladu masaajidka maamulkiisa u xukuntay gudiga hada ku qoran maamulka oo ah mid kamid ah labada gudi ee khilaafku ka dhaxeeyey. Halkan kasii akhri

Gudiga maamulka Towfiiq ee hada xukunka haya ayaa soo bandhigay xukun ay iyagu u fasireen mid kama dambeys ah, balse ay maraakiistu noo sheegeen inay u arkayeen inuu ahaa mid kumeel gaar ah, xalna aan u keeni karin khilaafka masaajidka ee hada taagan iyo waliba waxyaabaha kale ee mustaqbalka soo bixi doono.

Waxaa ay maraakiistu noo xaqiijiyeen in gudiga Towfiiq ay istaajiyeen dhamaan wixii wadahadal iyo xalin khilaaf ahaa oo maraakiistu ay kasoo shaqeynayeen mudada bisha ah. Iyaga oo ku wargaliyay inaan wax heshiisiin ah loo baahneyn, maadaama howshu ay dhanka dowlada kasoo dhamaatay. Waxeyna gudiga Towfiiq ay codsadeen in dhinaca kale ee khilaafka kala dhaxeysay ay aqbalaan, kuna qancaan xukunka maxkamada, una hogaansamaan qodobada waraaqda xukunka ku qoran.

Gudiga kale oo dacwad gaar ah dirsaday:

Gudiga kale ee khilaafka maamulka uu kala dhaxeeyay gudiga Towfiiq hada ku qoran, ayaa iyagana dhankooda joojiyay wadahadalkii, waxeyna maraakiista u sheegeen in looga baxay balantii hore ee heshiisiinta. Waxeyna sheegeen in labada guruuba ay kitaab quraan ah isku dhaariyeen, inaan warqado dowlada loo dirin inay ay socoto howsha xalinta khilaafka. Iyaga oo sheegay in gudiga Towfiiq ay ka baxeen balantii, ayna dacwad ka gudbiyeen shaqsiyaadka ku jira gudigooda, iyada oo loo wada fadhiyo xalinta khilaafka soomaalida dhexdeeda ahaa.

Gudiga kale ayay maraakiistu noo xaqiijiyeen inay markiiba direen racfaan ka saabsan xukunka gudiga khilaafka Oslo, waxeyna dhankooda dirsadeen waraaqo ay ku dalbanayaan in la siiyo waqti ay kusoo gudbistaan dacwad ka duwan tan ay maamulka Towfiiq u direen maxkamada khilaafaadka Oslo.

Maraakiista ayaa codsadey inay masaajidka ka hadlaan maalin jimco ah, si ay bulshada uga bandhigaan wixii ay la kulmeen, iyo natiijada howshii ay galeen. Balse maamulka masaajidka Towfiiq ayaa labo mar oo kala duwan gudiga farsamada maraakiista kahor istaagay inay ka hadlaan masaajidka.

Gacanta hey´addaha dowlada:

Sida ay NorSom News xaqiijisay, Labada guruub ee soomaalida ah ee isku heystay maamulka Towfiiq ayaa hada midba dhinaciisa hey´addaha dowlada u diray waraaqo kala duwan, iyaga oo adeegsanayo qareemadooda. Wuxuuna mid walba dhankiisa rajo ka qabaa in kan kale aan loo ogolaan inuu masaajidka matalo ama uu sheegto inuu gudi u yahay.

Khilaafka maamulka masaajidka oo ahaa mid awal ka dhaxeeyay soomaalida, ayaa hada gacanta u galay hey´addaha dowlada. Waxaana muuqdo inay guuldareysatay rajadii aheyd in soomaalida dhexdeeda ay xaliso khilaafka maamul ee masaajidka, si ay u badbaadiyaan magaca masaajidka iyo sumacada soomaalida ama muslimiinta kaleba.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x