Gabar ay xaaskiisu dhashay ayuu fara-xumeeyay, kadibna 500.000 kr usoo bandhigay si ay u qariso.

0
152
Foto: © Mimsy Møller / Samfoto

Isbuucan waxaa maxkamada Bærum ka bilaaban laheyd maxkamadeynta nin 40-meeyo jir ah oo ku eedeysan inuu sanado badan fara-xumeyn jiray gabar ay xaaskiisu dhashay oo uu adeer u yahay.

Faraxumeynta uu ninkan ku eedeysanyahay ayaa dhici jirtay intii u dhaxeysay 2007 iyo 2012, waxeyna gabadha dhibanaha ah ay da´ahaan jirtay 11 sano, xiliga uu ninkan bilaabay inuu faraxumeeyo. Sidoo kale wuxuu ku eedeysanyahay hanjabaado uu u jeedin jiray gabadha xiliga uu falalkan geysanayay.

Sida ay warbaahintu qoreyso, gabadhan ayaa sanadkii 2018 dacwad booliska uga gudbisay ninkan eedeysanaha ah. Waxeyna sheegtay in xiliga ay falalkan dhacayeen ay aheyd ilmo aad u yar, ayna falalkaas ku reebeen murugo joogto ah oo nolosheeda saameeyay.

500.00 0 kr oo aamusin ah:

Ninkan ayaa inta aysan gabadhu dacwada booliska uga gudbin u hanjabay, isaga oo sidoo kalena usoo bandhigay inay qaadato lacag 500.000 kr, si ay falkaas u qariso.

Ninkan ayaa iska fogeeyay dhamaan eedeymaha lagu soo eedeeyay.

Maxkamada ninkan oo isbuucan bilaaban laheyd, ayaa dib loo dhigay xanuun owgiis. Waxeyna dib u bilaaban doontaa bisha Juni ee sanadkan.

Xigasho/kilde: En mann i 40-årene er tiltalt for overgrep og trusler mot sin stedatter gjennom flere år.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments