«Barnehage»-yaasha oo waajib looga dhigi doono imtixaan aqoonta luuqada ee ilmaha.

0
162

Wasiirada waxbarashada iyo isdhexgalka bulshada Norway, Trine Skei Grande ayaa sheegtay in sanad walba la arko caruur badan oo bilowdo fasalka koowaad ee iskuulka, iyaga oo aan fahmin ama ku hadli karin luuqad fiican oo Norwiiji ah.

Waxeyna wasiiradu sheegtay in wixii ka danbeeyo sanadka 2021, dhamaan xarumaha xanaanada ee barnehage-yaasha ay waajib ku noqon doonto inay imtixaan luuqada Norwiijiga ah ka qaadaan caruurta, kahor inta aysan iskuulka bilaabin. Si loo sii ogaado heerka aqoonta luuqada ee ilmaha, looguna sii baaraan dago qaabkii loo caawin lahaa, kahor inta uusan ilmuhu iskuulka bilaabin.

30% barnahage-yaasha ayaa hada si iskood ah imtixaan luuqada ah uga qaado caruurta, balse wixii ka danbeeyo 2021 waxey waajib ku noqon doontaa dhamaan xarumaha xanaanada caruurta ee degmooyinka Norway oo dhan.

Xigasho/kilde: Barnehager får plikt til å kartlegge barns norskkunnskaper

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments