Dowlada oo wax ka badaleysa xeerka NAV, kadib fadeexadii NAV.

0
155

Wasiirka cusub ee shaqada iyo arrimaha bulshada, Torbjørn Røe Isaksen ayaa maanta sheegay inuu isbadal ku sameynayo xeerarka hey´adda NAV, isbadalkaas oo kamid ah wax ka qabashada fadeexadii hey´adda NAV.

Wasiirka ayaa sheegay inay dhici karto in qeybo kamid ah shuruucda hey´adda NAV, si aan sax aheyn loo dhaqan-galin jiray ama loo turjumi jirin.

Wasiirka ayaa xaqiijiyay in isbadalka cusub uu saameyn ku yeelan karo xeerarka khuseeyo xiriirka uu qofka xaqa u leh kaalmooyinka dhaqaale la leeyahay Norway, gaar ahaan inta sano ee uu wadanka joogay ama uu ka maqnaa.

Torbjørn Isaksen ayaa sheegay inay isbadalka lagu sameynayo NAV uu saameyn doono dadka loo diiday inay helaan qaar kamid ah kaalmooyinka dhaqaale ee qofka, iyada oo loo cuskanayo inuu wadanka mudo yar degenaa ama mudo dheer ka maqnaa.

Isbadalada uu wasiirku sheegay ayaa khuseyn doono kaalmooyinka dhaqaale ee qofka howlgabka noqday ama kan xanuun ama dhaawac dartiis shaqada uga maqan.

Xigasho/kilde: Regjeringen gjør endringer – flere som har bodd i utlandet får rett til trygd.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments