Wasiirka qoyska: In Yaasmiin la celiyo sax ma ahan, balse waxba uma qaban karo anigu.

0
161
Kjell Ingolf Ropstad: wasiirka qoyska iyo caruurta. Foto: Twitter

Wasiirka qoyska iyo caruurta dalkan Norway, Kjell Ingolf Ropstad oo katirsan xisbiga KRF ayaa ka hadlay kiiska Yaasmiin Kristensen oo ah gabar soomaali ah oo maalmahan arinteeda aad looga hadalhayay warbaahinta Norway.

Maxkamada sare ee Norway ayaa isbuucyo kahor go´aan ka gaartay kiis dacwad ah oo ka dhaxeeyay Yaasmiin iyo hey´adda qoxootiga Norway. Waxeyna maxkamadu go´aamisay in Yaasmiin mudo labo sano ah laga musaafuriyo Norway, ayna ka tagto caruurteeda iyo ninkeeda. Balse Yaasmiin ayaa racfaan ka qaadatay go´aankaas, waxeyna racfaan u dirtay maxkamada xuquuqul insaanka Yurub ee fadhigeedu yahay dalka Faransiiska. Halkan kasii akhri

Hey´adda NAV ayaa iyadna shaley sheegtay inay hooyadan soomaalida ka dalbatay inay soo celiso lacag gaareyso 300.000 kr oo ah qeybo kamid ah kaalmadii dhaqaale ee horey loo siiyay. Waxeyna NAV sheegtay in Yaasmiin ay si u kalac ah magac iyo aqoonsi been ah lacag ugu qaadan jirtay. Halkan kasii akhri

Wasiir: Waa qalad sida Yaasmiin loola dhaqmay.

Wasiirka Qoyska Norway, Kjell Ingolf Ropstad oo ka hadlay kiiska hooyadan soomaalida ah ayaa sheegay inaysan sax aheyn in Yaasmiin Norway laga tarxiilo, kadib 19 sano oo wadanka ku nooleyd. Balse isagu uusan shaqsi ahaan wax u qaban karin Yaasmiin, maadaama uu kiiskan yahay mid ku saabsan shaqsi, ayna go´aan ka gaartay maxkamada sare ee Norway.

Wasiirka ayaa sheegay inuu aaminsanyahay inay muhiim yahay in la ciqaabo oo aan la abaalmarin qofkii aqoonsi ah been ah isku dhiibay, sidaas ku helay xuquuq uusan laheyn. Balse wuxuu raaciyay in mararka qaar loo baahanyahay in fulinta sharciga lagu daro fahan la xiriira xaalada guud ee markaas taagan, inta hal dhinac wax laga fiirin lahaa.

Ropstad oo ah gudoomiyaha xisbiga Krf ayaa sheegay inuu aaminsanyahay in la helo sifo kale oo qofka lagu ciqaabo, iyada oo aan wadanka laga tarxiilin.

Xigasho/kilde: Ropstad om firebarnsmor som kastes ut: – Dette blir for firkanta

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments