NAV oo ku dhawaad 300.000 kr ka dalbatay inay soo celiso hooyo dhalashada Norway horey looga celiyay.

0
149
Yaasmiin Kristensen iyo ninkeeda Rolf Erik Kristensen

Xafiiska shaqada Norway ee NAV ayaa hooyo soomaali ah oo lagu magacaabo Yaasmiin Kristensen ka codsaday inay soo celiso ku dhawaad lacag gaareyso 300.000 oo kr. Lacagtaas oo ah qaar kamid ah kaalmooyinkii dhaqaale ee NAV ay horey hooyadan u siisay, sanadihii ay Norway ku nooleyd.

Hey´adda UDI-da Norway ayaa horey hooyadan uga celisay dhalashada Norway, kadib markii lagu eedeeyay inay been ka sheegtay aqoonsigeeda shaqsiyeed. Ayna sheegatay, magangalyana ku heshay inay kasoo jeedo Soomaaliya, balse waxaa gadaal laga ogaaday inay kasoo jeedo dalka Jabuuti ee Soomaaliya dariska la ah.

Hey´ adda qoxootiga ayaa hooyadan ku xukuntay inay dalka ka baxdo mudo labo sano ah, kana tagto caruurteeda oo afar ah. Maxkamada sare ayaa isbuucyo kahor go´aan ka gaartay kiiska Yaasmiin, waxeyna kiiska u xukuntay hey´adda qoxootiga. Halkan kasii akhri.

NAV ayaa hooyadan hada ka dalbatay inay soo celiso qaar kamid ah kaalmooyinkii dhaqaale ee horey loo siiyay, iyada lagu eedeynayo inay aqoonsi aan sax aheyn ku heshay taageeradaas dhaqaale.

Hooyadan soomaalida ah ayaa dhankeeda sheegtay in inta badan sanadihii ay Norway joogtay ay shaqeyneysay, isla markaana ay dowlada siineysa canshuur. Walina aysan fahmin sababta looga codsaday inay soo celiso lacag ay sanado kahor la siiyay kaalmo dhaqaale ahaan.

Maxkamada xuquuqul insaanka:

Yaasmiin iyo ninkeeda Rolf-Erik ayaa NRK u sheegay in kiiska gabadhan soomaalida ah loo gudbin doono maxkamada xuquuqul insaanka ee fadhigeedu uu yahay Faransiiska. Iyaga oo rajeynayo in maxkamadaas ay tirtiro xukunka maxkamada sare ee Norway.

Xigasho/kilde: Nav krever at utvist firebarnsmor betaler tilbake nærmere 300.000 kroner

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments