NRK:Yaasmiin waxaa Norway laga tarxiilayaa 16-sano kadib, iyada oo u dhaxdo nin Norwiiji ah

0
242
Foto: Skjermdump/NRK

Yasmin Kristensen waa hooyo soomaali ah oo u dhaxdo Rolf Erik oo ah nin norwiiji ah oo ay wada dhaleen afar caruur ah. Sanadkii 2001 ayey Norway soo gashay, iyada oo markaas sheegatay inay ka timid dalka Soomaaliya. Balse baaritaan kadib ayaa waxay dowlada Norway sheegtay in Yaasmiin ay kasoo jeedo dalka Jabuuti, waa sida uu NRK qoray´e.

UDI-da, UNE iyo maxkamaduba waxey isku raaceen in Yaasmiin Norway laga tarxiilo, kadib 16 sano oo ay Norway joogtay, iyada oo lagu heysto inay ka been-sheegtay aqoonsigeeda shaqsiyeed markii ay Norway magangalyada weydiisaneysay.

[adsenseyu1]Sida uu qorayo NRK Yaasmiin ayaa sanadkii 2014 qiratay inay kasoo jeedo dalka Jabuuti, kadib markii baaritaan lagu sameeyay kiiskeeda. Waxyaabaha loo adeegsaday baaritaanka kiiska gabadhan soomaalida ah, ayaa waxaa kamid ah barta Facebooga oo ay dowlada Norway sheegtay inay ku qoratay inay kasoo jeedo dalka Jabuuti. Sidoo kale Yaasmiin hooyadeed ayaa Norway booqasho ku timid, iyada oo wadata passport Jabuutiyaan ah.

Rolf Erik oo ah ninka ay Yaasmiin u dhaxdo ayaa sheegay in loola dhaqmay sidii inay tahay qof danbiile ah, isaga oo raaciyay in Yaasmiin loola dhaqmay sida ka daran danbiilayaasha, maadaama aan iyaga laga tarxiilin Norway, hadii ay danbi geystaan.

Qareenka Yaasmiin ayaa NRK u sheegay in xitaa hadii Yaasmiin aysan run ka sheegin aqoonsigeeda, ay mar walba xaq u leedahay inay Norway joogto. Maadaama ay codsatay inay la midowdo qoyskeeda.

UNE ayaa dhankeeda sheegtay in Yaasmiin Norway laga mamnuucay labo sano oo kali ah, halka dadka kiisaska noocan oo kale ah lagu xukumo inaysan abidkood soo gali karin Norway.

Dadka deegaanka Lyngdal ayaa aad garab u muujiyay Yaasmiin, iyada oo kiiskeedu uu ay aad u hadalhayaan warbaahinta lokalka ah ee deegaankaas.

Xigasho/kilde: NRK/Halkan ka daawo muuqaalka warbixinta NRK

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments