Norway: Gabar muslim ah oo wasiir-dowle loo magacaabay.

0
169
Foto: Oslo-Høyre.

Reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg ayaa jimcihii lasoo dhaafay soo saartay liiska golaheeda wasiirada ee cusub, kadib markii ay xukuumadeeda isaga baxeen xisbiga Frp. Halkan kasii akhri.

Mid kamid ah golaha wasiirada cusub ee la magacaabay ayaa ahaa Abid Raja oo asal ahaan kasoo jeedo dalka Pakistan, waxaana Raja laga dhigay wasiirka dhaqanka iyo sinaanta. Halkan kasii akhri.

Gabar muslim ah oo wasiiro-dowle noqotay:

Liiska cusub ee golaha wasiirada Erna Solberg, waxaa jimcihii kasoo dhex muuqday Said Begum oo loo magacaabay wasiiru-dowlaha shaqada iyo arrimaha bulshada.

Saida oo sharci yaqaanad ah ayaa horey uga mid aheyd golaha deegaanka magaalada Oslo, waxeyna sanadkii 2019 aheyd musharaxa duqa magaalada Oslo ee xisbiga Høyre.

Reysulwasaare Erna Solberg ayaa ugu danbeyn xukuumadeeda kusoo dartay dadka laga tirada badanyahay ee wadanka kunool. Waxeyna Saida iyo Abid Raja kasoo wada jeedaan asal ahaan qowmiyada Pakistanta oo Norway aad ugu xoogan.

Xigasho/kilde: Høyre-politiker Saida Begum (32) fra St. Hanshaugen blir statssekretær.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments