Oslo: Haweenay ku eedeysan inay ninkeeda jirdishay oo maxkamad lasoo taagay.

0
75
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Waxaa maxkamada Oslo ka bilaaban doonto dhageysiga dacwad ka dhan ah haweenay 40-meeyo jir ah, oo ku eedeysan inay xiliyo kala duwan ninkeeda u geysatay jirdil.

Dhowr mar oo kamid ah xiliyada ay haweeneydan ninkeeda jirdilka u geysaneysay, ayaa dacwad ooguhu sheegay inay goob joog ahaayeen caruurta ay wada dhaleen.

Haweeneydan ayaa sidoo kale ku eedeysan inay garaacis iyo jirdil u geysatay gabdhaheeda, sidoo kalena ay ku xirtay qol iyaga oo aan raali ka aheyn. Waxeyn arintan bilaabatay markii ay gabdhahaas ahaayeen caruur aad u yar.

Qoyskan ayaa degenaa magaalada Oslo, balse falalkan ayaa sidoo kale ka dhacay meelo Oslo ka baxsan, sida ku xusan dacwada ka dhanka ah haweeneydan.

Dhageysiga Maxkamada haweeneydan ayaa bilaaban doonto sagaalka bisha sadexaad ee sanadkan.

Xigasho/kilde: Kvinne er tiltalt for slag og spark

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments