fredag, april 26, 2024

Abid Raja oo ilmada ceshan waayay, markii uu la wareegayay furaha wasaaradiisa cusub.

Abid Raja oo ah siyaasi asal ahaan kasoo jeedo dalka Pakistan, kana tirsan xisbiga Venstre ayaa maanta loo magacaabay wasiirka dhaqanka iyo sinaanta.

Raja oo sidoo kale ah xildhibaan katirsan baarlamaanka Norway, ayaa ilmada ceshan waayay markii maanta lagu wareejinayay masuuliyada xilka wasiirnimada wasaarada cusub ee loo magaacabay. Waxaana indhihiisa ka muuqday sida uu dareenkiisu isku badalay markii ay soo dhaweyneysay wasiiradii xilka kaga horeysay, Trine Skei Grande oo sidoo kale ah gudoomiyaha xisbiga Venstre.

Abid Raja oo ah generationka labaad ee qowmiyada pakistanada ah ee Norway ku koray, ayaa noqon doono wasiirkii ugu horeeyay ee asal ahaan ajnabi ah oo ay xil u magacowdo reysulwasaare Erna Solberg.

Warbaahinta Norway ayaa maanta aad u hadalheyso magacaabista Raja, waxaana lagu xusuustaa murankii joogtada ahaa ee kala dhaxeeyay siyaasiyiinta xisbigii dhawaan xukuumada ka baxay ee Frp.

Xigasho/kilde: Grande og Raja gråter sammen på overrekkingen av kulturdepartementet

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x