Tromsø: Booliska oo bada kasoo haweenay iyo sadexdeeda ilmood.

0
94

Booliska magaalada Tromsø ayaa shaley fiidkii badda jaziirada Trømsø kasoo saaray hooyo iyo sadex caruur ah oo ay dhashay, kuwaas oo xiliga biyaha badda lasoo bixinayay uu miyirkoodu maqnaa.

Gabar kamid ah sadexda ilmood ayaa isla xaley fiidkii geeriyootay, halka hooyada iyo labada ilmood ee kale ay boolisku xaley sheegeen in xaaladoodu ay mareysay meel daran oo halis ah.

Sadexda qof ee xaaladoodu ay halista aheyd ayaa isla xaleyba loo soo duuliyay isbitaalka weyn ee Oslo, halkaas oo saaka aroortii ay boolisku ku sheegeen inay ku geeriyootay hooyadii dhashay ilmaha badda laga soo saaray. Xaalada laba ilmood oo kale ayaa wali mareyso meel halis ah.

Booliska ayaa sheegay in hooyada dhimatay oo da´ahaan aheyd labaatameeyo jir ay ku tuhunsanyihiin inay iyadu ka danbeysay shilka sababay dhimashada nafteeda, mid kamid ah ilmaheeda iyo dhaawaca labadeeda ilmood ee kale.

Aabaha dhalay caruurta geeriyootay ayay isla xaleyba boolisku wareysteen, waxeyna sheegeen inay heleen macluumaad dhacdada dhacday ka badaleyso shil, una badali karto fal danbiyeed ay hooyadu ka danbeysay.

Booliska ayaa sii raaciyay inay wali kujiraan xili hore oo baaritaanka ah, aysana faah-faahin buuxdo wali ka bixin karin qaabka ay wax u dhaceen.

Haweeneyda iyo sadexda ilmoodba ayay warbaahintu qoreysaa inay ahaayeen soo galooti ama ajaaniib. Balse lama sheegin wadanka ay dhalasho ahaan kasoo jeedaan.

Xigasho/kilde: Politiet etterforsker den døde moren for drap og forsøk på drap.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments