tirsdag, april 23, 2024

London: Qofkii weerarka geystay oo aqoonsigiisa la ogaaday.

Ninkii shaley weerrarka ka geystay buundada weyn ee magaalada London ayay booliisku magaciisa ku sheegeen Cismaan Khan oo 28 jir ah. Khan ayaa shaley weerar ku dilay hal qof oo haweenay ah, isaga oo dhaawacay sadex qof oo kale.

Boolisku ayaa sheegay in Cismaan Khan xiliga uu shaley weerarka geysanayay uu banaanka ku joogay damiin looga soo sii daayay xabsi uu kujiray.

Boooliska ayaa markii danbe toogasho ku dilay Khan oo ay isku dayayay inuu sii galaafto nolosha dad uu si ula kac ah u weeraray. Booliiska ayaa weerarkaas ku tilmaamay fal argagixiso.

Mas’uuliyiinta ayaa aqoon u lahaa Cismaan Khan, oo waxaa ninkaas falal argagixiso loo xukumay sanaddii 2012-kii, sida uu sheegay taliye ku xigeenka boooliiska London Neil Basu.Bayaan uu Basu soo saaray ayuu ku sheegay in ninkaasi damaanad xabsiga looga sii daayay bishii Diseembar 2018.

Raisul wasaaraha Britain ayaa Boris Johnson ayaa shegay in muddo dheer uu ku doodi jiray inay qalad tahay in daambiilayaasha halis ah xabsiga laga siidaayo iyada oo uusan waqtiga lagu xukumay u dhammaan.

Booliiska ingiriiska ayaa hada baaritaan ku haya goobtii uu ku noolaa Mr Khan.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x