Baarayaasha:Philip Manshaus waa qof maskax ahaan fiyow oo la ciqaabo karo.

0
143
Foto: TV-Skjermdump

Sadex khabiir ee loo saaray inay soo qiimeeyaan caafimaadka maskaxeed ee Philip Manshaus oo ahaa ninkii ka danbeeyay weerarkii masaajidka Al Noor ee Bærum, ayaa maanta soo saaray warbixinta gunaanadka ah ee qiimeytnooda.

Sadexda khabiir oo waqti badan la qaatay eedeysane Manshaus ayaa warbixintooda ku sheegay in ninkan uu maskax ahaan caafimaad qabo, isla markaana uu mudan karo ciqaab xabsiyeed oo caadi ah. Waxeyna cadeeyeen in ninkan ay maskaxdiisu joogtay markii uu falka ka geysanayay masaajidka Al-Noor, uuna dilayay gabadha walaal ahaanta ugu aadaneyd ee aabihii uu korsoday.

Xeer ilaalinta oo aan wali aan soo gaba-gabeyn baaritaanka kiiskan ayaa sheegay in warbixinta sadexda khabiir ay adkeyneyso kiiska dacwada ay ninkan kusoo oogi doonaan, marka lasoo hor istaajiyo maxkamada Oslo. Wuxuuna ku eedeysanyahay isku day dil argagaxisnimo iyo dilka qof kale.

Ninkan ayaa wareysi lala yeeshay ku sheegay inuu rabo inuu masaajidka ku dhex dilo dadka ugu badan ee gacantiisu ay gaari laheyd. Balse waxaa ka hortagay odoyaal da´ah oo ku guuleystay inay qabtaan kahor inta uusan qofna dilin.

Maxkamada ninkan ayaa la rajeynayaa inay bilaabato bilowga sanadka soo socdo ee 2020.

Xigasho/kilde: Sakkyndige: Manshaus er tilregnelig

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments