Baarlamaanka Norway oo cod u qaaday in shaqo loo ogolaado qoxootiga aan la celin karin.

0
150
foto: Stortinget.no

Baarlamaanka Norway ayaa shaley cod u qaaday soo jeedin ka timid xisbiga SV, kuna saabsan in sharci ogolaansho shaqo oo ay ku shaqeystaan la siiyo qoxootiga diidmada ka helay codsiga magangalyada, balse aan dalalkoodii lagu celin karin.

Inta badan xubnaha xisbiyada kujira Baarlamaanka Norway ayaa sharcigaas diiday, waxaana u codeeyay oo kali ah SV oo soo jeedinta lahaa, Rødt iyo MDG.

Wasiirka qoyska Norway, Kjell Ingolf Ropstad ayaa horey u sheegay inuu jeclaan lahaa in dadka aan la celin karin la siiyo ogolaansho shaqo oo ay noloshooda ku maareeyaan. Balse xisbiga uu katirsanyahay ee KRF ayaa shaley diiday inay codka siiyaan soo jeedinta arintaas ku saabsaneyd.

Kiiskan ayaa xiiso gaar ah lahaa, maadaama maalmihii ugu danbeeyay aad loo hadalhayay nin baadari ah oo shaqo siiyay haweenay qoxooti ah oo dalkeedii aan lagu celin karin. Baadirigan oo madax ka ahaa kaniisada Oslo, ayaa mudan karo xabsi, hadii lagu helo danbiga shaqo-siinta qof aan sharci wadanka ku heysan.

Sidoo kale waxaa isbuucyo kahor xabsi lagu xukumay nin Norwiiji ah oo shaqo abuur ku sameeyay tobonaan dad qoxooti ah oo aan Norway ogolaansho sharci dal kujoog ku heysan. Halka akhri warkaas.

Xigasho/kilde: Venstre og KrF stemte mot økt jobbrett for ureturnerbare

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments