Siyaasiyiinta soomaalida Oslo oo ku kala aragti duwan khilaafka maamulka masjidka Towfiiq.

0
156

17-kii bishii November ee tagtay ayay soomaalida Norway iyo kuwo aduunkuba ku baraarugeen muuqaalo laga argagaxo oo laga soo duubay gudaha masaajidka Towfiiq ee magaalada Oslo. Halkaas oo la sheegay inay ka dhacayeen labo doorasho oo isbarbar socdo, kuwaas oo codad kala duwan loogu qaadayay labo gudi oo isku heysta maamulka masaajidka.

Muuqaaladaas oo aad ugu faafay baraha bulshada, iyo khilaafka maamul maamulka masaajidkaas oo mudo dheer soo jiitamayay, xalna wali aan loo helin, ayaa ugu danbeyn keenay in warbaahinta wadankan Norway ay bilaabaan inay wax ka qoraan arintan.

TV-ga qaranka Norway ee NRK ayaa talaadadii 19-ka bishii November maqaal ka qoray khilaafka maamulka masaajidka oo keenay in taageeradii dhaqaale si kumeel gaar ah looga istaajiyo masaajidka. Towfiiq ayaa sida uu NRK qoray sanadkii heli jira taageero dhaqaale oo dhan 7,8 milyan kr.

Ubah: Haweenka halagu daro maamulka.

Dadka ay NRK ku wareysteen maqaalkooda koowaad, waxaa kamid ahaa Ubah Aden oo kamid ah ku xigeenada golaha deegaanka Oslo, taas oo sheegtay in maamulka masaajidka ay isku koobeen rag oo kali ah. Loona baahanyahay in maamulka masaajidka lagu daro haweenka, maadaama ay xubno muhiim ka yihiin howlaha iyo shaqada masaajidka gudihiisa ka socoto. Waxeyna sii raacisay in masaajidka la xiraba, hadii lagu heshiin waayo ama aan la helin gacan sadexaad oo soo dhex gasho.

NRK ayaa maalin kadib qabtay dood sadex geesood ah oo u dhaxeysay sadex qof oo soomaali ah, oo kala ahaa: Khadro Yuusuf oo wariye NRK katirsan ah, Maxamed Faarax oo ah gudoomiyaha mid kamid ah labada gudi ee is heysta, iyo Ubah Adan oo kamid ah golaha deegaanka Oslo.

Maamulkii ugu danbeeyay ee ay aqbasho hey´adda diiwaangalinta, hadana ah midka sida kumeel gaarka u haya xilkaas, ayaa diiday inay ka qeybqaataan doodaas. Waxeyna sheegeen inay jawaab ka sugayaan xafiiska gobolka Oslo oo arinta go´aan ka gaaraya, Sida uu sheegay wariyaha barnaamijka xiriirinayay. Halkan ka dhageyso dooda: Daqiisada 19-aad.

Ubah ayaa markan ka dhawaajisay in maamulka masaajidka lagu qeybsado qab qabiilo oo ku dhisan qaab u eg qaabka ay soomaalidu dowladnimada ku qeybsadaan. Waxeyna mar kale ku celisay in haweenku ay muhiim u yihiin kamid noqoshada maamulka.

Baashe Muuse: Ubax kuma raacsani.

Baashe Muuse oo horey labo mar oo kala duwan uga mid noqday golaha deegaanka Oslo, ayaa dooda sadexda qof ee soomaalida ah oo socotay 15 daqiiqo kala soo dhex baxay hadalka Ubah Aden. Isaga oo bartiisa Facebooga soo dhigay qoraal dheer oo ku naqdinayo qeybo kamid ah hadalada Ubah ay ka sheegtay NRK. Wuxuuna sii raaciyay in masaajidku uu leeyahay gudi sharci ah oo diiwaangashan, kuwaas oo matala xubnaha masaajidka. Aysana jirin sabab loo xiri karo, arinta ay Ubax ka hadasheyna aysanba aheyn wax meesha hada yaalo.

Foto: Skjermdump/Facebook.

Arinta qabiilka ayuu ku sheegay in qabiilku uu yahay qeyb kamid ah dhaqanka soomaalida, kaas oo muhiimadiisu ay sii korortay wixii ka danbeeyay dagaaladii sokeeye.

Ubah ayaa isbuuc kadib barteeda Facebooga kusoo qortay hadalo qeybtood loo fasiran karo weerar toos ah oo ay baashe la beegsaneyso. Balse qeybta danbe ayay ku sheegtay in la heli doono masaajid loo wada dhanyahay, wada matali karana bulshada, lana jaanqaadi karo bulshoweynta guud.

Waxaa xusid mudan in hadalada laba siyaasi ah oo caan ka ah siyaasada iyo warbaahinta Norway, ay ku wada qorayeen Af Norwiiji. Inkasta oo khilaafku uu yahay mid ka dhaxeeyo labo guruub oo soomaali ah.

Soomaalida Oslo oo ah dadka ugu badan ee khilaafkan uu saameynta ugu xoogan ku yeeshay ayaa dhankooda u kala qeybsan ugu yaraan afar qeybood. Labo guruub oo la kala safan kooxaha is heysta, guruub aaminsan iyo labadooduba la isla tuuro oo shuruuc iyo xeer cusub masaajidka maamulkiisa loo dajiyo, iyo guruub kale oo aaminsan oo maamulka loo dhiibo dhalinyarada Norway ku kortay, waxna ku bartay.

Afarta qeyboodba waxey wada siman in khilaafka masaajidku uu dhaawac xoogan soo gaarsiiyay bulshada soomaalida Norway ku dhaqan. Kuwaas oo awalba dhibaato ku qabay warbixinada xun-xun oo ay ka gudbiyaan warbaahinta.

NRK ayaa isbuuc kahor sheegay inay heleen ogolaanshaha akhrinta waraaqaha ay soomaalida isku heysata maamulka Towfiiq u kala direen xafiisyada dowlada. Iyaga oo si hordhac ah usii sheegay in khilaafka masaajidku uu yahay mid salka ku haya arimo qabiil.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments