Mareykanka oo Norway ku cadaadineyso inay soo celiyaan dagaalyahanada daacish ee Norwiijiga ah.

0
88

Dowlada Mareykanka ayaa wadamada Yurub ka dalbatay inay soo qaadaan dagaalyahanada heysto dhalashada wadamadooda ee katirsanaa kooxdii bur-burtay ee Daacish. Waxeyna ka codsadeen inay ku maxkamadeeyaan gudaha dalalka ay dhalashada ka heystaan.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa goor sii horeysay dalalka Yurub ugu hanjabay inuu dagaalyahanadaas soo uruurin doono, uuna keeni doono xuduudka wadamada Yurub, hadii ay iyagu si iskood ah usoo qaadin.

Safaarada Mareykanka ee dalkan Norway ayaa ka digtay cawaaqib xumada ka dhalan karto hadii dadkaas aan lasoo qaadin, ayna iyagu iskood qaab dhuumasho ah kusoo galaan Norway. Waxeyna safaaradu sheegtay inay haboontahay in dadkaas dowladu soo qaado, kadibna lagu maxkamadeeyo gudaha Norway, lana ciqaabo wixii danbi lagu helo.

Norway ayaa horey u diiday inay soo qaado dagaalyahanada katirsanaa Daacish ee heysta dhalashada Norway, waxeyna dowladu muujisay in dadkaas lagu maxkamadeeyo gudaha dalalka ay danbiyada ka galeen.

Mareykanka ayaa hada u muuqdo inuu Norway iyo wadamada kale ee Yurub inay soo daabulaan dagaalyahanada heysta dhalashada dalalkooda ee katirsnanaa Daacish.

Xigasho/kilde: USA advarer Norge: Regjeringen bør hente norske fremmedkrigere.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments