Kasoo qeybgal dood cilmiyeed: 2020-Soomaaliya ma u bilow cusubaa? Fursadaha deyn-cafinta iyo caqabadaha.

0
163

Dowlada Norway ayaa bishii October bilowgeeda sheegtay inay Soomaaliya ku caawineyso lacag deyn ah oo dhan 359 milyan oo dollar, taas oo loogu talagalay inay qeyb ka noqoto qorshaha geedi socodka barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya. Halkan kasii akhri

Bisha Februar ee sanadkan 2020, waxaa magaalada Paris ka dhici doono kulan go´aan looga qaadan doono in Soomaaliya ay mudantahay in deynta laga cafiyo iyo inkale. Wadamada aadka ugu ololeynayo in Soomaaliya laga cafiyo deynta, waxaa kamid ah wadankan Norway oo sheegtay inay Soomaaliya ka cafin doonaa 16 milyan kr oo ay Soomaaliya ku leeyihiin.

2020: Soomaaliya ma waxey heli doontaa bilow cusub mise?:

Magaalada Oslo, waxaa maalinta isniinta ah ee (25-11-2019), waxaa ka dhici doonto dood cilmiyeed arintan la xiriirta, loogana hadli doono fursadaha ay Soomaaliya heli karto hadii deynta laga cafiyo, iyo caqabadaha ku hor gudban.

Barnaamijkan oo ay wadajir u qaban-qaabiyeen ururada Somali Norwegian Strategic Partners iyo SLUG – Nettverk for rettferdig gjeldspolitikk ayaa waxaa kasoo qeybgali doono ergeyga gaarka ah ee dowlada Norway u qaabilsan Soomaaliya, Vebjørn Heines, Stig Jarle Hansen oo ah bare wax ka dhiga jaamacada Ås, ahna cilmibaare ku xeel-dheer arimaha Soomaaliya. sidoo kale aqoonyahano, ardeyda jaamacadaha Norway iyo ururada xiiseeya arimaha Soomaaliya.

Macluumaadka dood cilmiyeedka oo dhameystiran halkan kasii akhri.

Taariikhda: 25-11-2019(Maalinta isniinta ah).

Saacada: 17:00-19:00.

Goobta: Kulturhuset-Oslo.

Adressen: Youngs gate 6, 0181 Oslo(Riix si aad mapka u aragto)

Fadlan hadii aad rabto inaad ka qeybgasho waqtiga ilaali, goobtu waxey qaadaa 90 qof oo kali ah.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments