Pakistan oo Norway ka dalbatay faah-faahinta kitaab quraan ah oo lagu gubay Kristiansand.

0
208

Wasaarada arrimaha dibadda dalka Pakistan ayaa kulan deg-deg ah ugu yeertay safiirka Norway ee dalkaas, iyaga oo ka dalbaday inuu faah-faahin ka bixiyo kitaab quraan ah oo lagu gubay banaanbax ka dhacay magaalada Kristiansand. Banaanbaxaas oo lagu sheegay in looga soo horjeedo islaamka, ayaa waxaa soo abaabulay kooxda xagjirka ah ee SIAN.

Sida lagu sheegay war lagu daabacay boga rasmiga ah ee wasaarada arrimaha dibadda Pakistan, safiirka Norway ee dalkaas ayaa su´aalo adag laga weydiiyay dhacdadaas lagu gubay kitaabka quraanka ah. Taas oo caro xoogan ka dhalisay baraha bulshada, halkaas oo boqolaal kun oo muslimiin ah ay dareenkooda ku cabireen.

Norway ayaa iska fogeysay eeda la xiriirta kitaabka quraanka ah ee banaanbaxaas lagu gubay, waxeyna sheegeen in booliska ay ka hortageen falkii kitaabka quraanka lagu gubay.

Pakistan ayaa Norway ka dalbatay inay dadkii falkaas ka danbeeyay maxkamad lasoo taago, loona ciqaabo danbiga ay geysteen. Waxeyna safiirka Pakistan ee Norway lagu amray inuu kiiskaas lasii socdo, uuna wasaarada kusoo wargaliyo meesha uu ku dhamaado.

Safiirka Norway ee Pakistan, Kjell-Gunnar Eriksen ayaa bartiisa Twitterka kusoo qoray qoraal uu ku sheegayo in Norway ay fogeyneyso falka lagu gubay kitaabka quraanka kariimka ah, kaas oo ay geysteen koox xagjir garabka midig ah. Wuxuuna dhanka kale sheegay in qof walna oo Norway kunool uu xor u leeyahay inuu cabiro fikirkiisa shaqsiyeed.

U yeerista Pakistan ee safiirka Norway ee dalkaas ayaa kusoo aadeyso xili baraha bulshada dalka Pakistan iyo wadamada muslimka ah lagu baaqayo in la takooro shirkadaha Norwiijiga ah ee dalalkaas ka howlgala. Halkan kasii akhri.

Xigasho/kilde: Norges ambassadør i Pakistan kalt inn på teppet etter koranbrenning.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments