Kumanaan qof oo UK u dhashay oo qaatay dhalashada Sweden.

0
123

Dowlada UK ayaa wali la rafaneyso dhameystirka iyo fulinta heshiiska ay kaga baxayaan midowga Yurub, kaas oo hada aan wali go´aan rasmi ah laga gaarin, sadex sano iyo dheeraad kadib markii codbixinta la qaaday.

Waxeyna taas wel-wel galisay malaayiin qof oo UK kunool, xiriirna la leh wadamada kale ee UK.

Tiradda muwaadiniinta Ingiriiska ah ee loo oggolaaday dhalashada dalka Sweden ayaa sanadkan gaartay rikoodh cusub. Waxaana sanadkan gudihiisa dhalashada Sweden qaatay 4100 qof oo UK u dhashay.

Sweden waxaa ku nool ilaa iyo 30 kun oo qof oo u dhashay dalka Ingiriiska. Waxaana sannad walba sii kordheysa tiradda dalbaneysa dhalashada Sweden tan iyo markii ay dhacday aftidii ay Ingiriisku ugu codeeyeen in ay isaga baxayaan Midowga Yurub. Tirada loo oggolaaday dhalshada Sweden ayaa saddex jibaarantay sannad gudihiisa.

Waaxda socdaalka Sweden ayaa sheegtay in arintan ay u sameeyeen gudi gaar ah oo ka shaqeeya kiisaska dadka u dhashay UK ee raba qaadashada dhalashada Sweden. Inkastoo tirada go’aan gaarista codsiyada dalabyada dhalashada dadka Ingiriiska ay xiligan aad u badan tahay, waaxda socdaalka dalkaas ayaa sheegeyso in hay’addu ahmiyad ahaan aysan hormarin ka shaqeynta kiisaska dadka Ingiriiska u dhashay.

Dadka heysta dhalashada UK ayaa qaadan kara jinsiyada wadan kale, taas oo fursad u siineyso inaysan lumin xuquuqda ay ka heli jireen dalalka kale ee EU-da.

Xigasho/kilde: Sveriges-radio

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments