Norway: Taajir Olav Thon oo hal bilyan deeq ahaan u bixinayo.

0
146
Olav Thon Foto: Wikipedia

Maalqabeenka caanka ah, ahna maamulaha shirkadaha Olav Thon Gruppen, ayaa sheegay inuu deeq ahaan u bixiniyo lacag dhan hal bilyan oo lacagta Norway.

Olav oo hada 96 sano jir ah ayaa sheegay in lacagtan uu ugu talagalay in lagu fuliyo cilmibaaris iyo baaritaano la xiriira cudurada ku dhaca lafaha iyo murqaha, taas oo uu sheegay inay dad badan dhibaato ku hayaan.

Odeygan oo xili ahaa qofka ugu taajirsan Norway ayaa sanadkii 2013 dhamaan hantidiisa ku wareejiyay hey´ad maamusha hantidaas. Wuxuuna xiligaas hey´addaas ku wareejiyay 23 bilyan oo kr.

Shirkada Olav Thon Gruppen ayaa Norway iyo wadamada kale ee caalamka ku leh boqolaal hotell, xarumo iyo xafiisyo ganacsi, sidoo kalena guryaha caadiga ah ee dadku ay degaan.

Olav Thon ayaa caan ku ah inuu sanad walba sadaqo ahaan u bixiyo 50 milyan oo kr, taas oo lagu fuliyo howlo dadweyne.

Xigasho/kilde: Milliardær Olav Thon oppretter stiftelse til forskning på muskel- og skjelettlidelser.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments