Oslo: Labo wiil oo walaalo soomaali ah oo xabsiyo lagu xukumay.

0
160
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Maxkamada magaalada Oslo ayaa labo wiil oo walaalo soomaali ah maanta ku xukuntay ciqaab xabsiyeed kala duwan, kadib markii lagu helay danbi la xiriira isku day dil iyo ka qeybqaadashadiisa.

Labada walaalaha ah, midkooda weyn oo da´diisu ay hada jirto 20 sano, ayay maxkamadu ku xukuntay 6 sano oo xabsi ah, kadib markii lagu helay labo danbi oo kala duwan oo isku day dil ah, loona adeegsaday mindi. Labada fal danbiyeed ayaa sida ay maxkamadu sheegtay ka kala dhacay xaafadaha Grønland iyo Furuset ee magaalada Oslo.

Wiilka kale oo 18 sano jir ah, ayay maxkamadu ku xukuntay hal sano oo xabsi ah, kadib markii lagu eedeeyay inuu qeyb ka ahaa falka walaalkiis weyn loo xukumay. Maxkamada ayaa ka qafiifisay xukunka, maadaama xiliga uu falkaas ka dhacayay uu ka yaraa 18 sano. 18-jirkan soomaaliga ah ayaa racfaan ka qaatay xukunka maxkamada.

Warbaahinta Oslo ayaa qoreyso in labadan wiil ay ku dhasheen Oslo, balse asal ahaan ay soomaali yihiin.

Xigasho/kilde: Knivstikking på Grønland knyttes til drapsforsøk i 2017

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments