Keshvari oo maanta maxkamad lasoo taagay

0
83
Foto: NRK/SKJERM

Afhayeenkii hore ee arrimaha soo galootiga xisbiga Frp, Ahna xubin katirsan baarlamaanka Norway, Mezyar Keshvari ayaa maanta lasoo taagay maxkamada NEDRE ROMERIKE ee magaalada Lillestrøm.

Keshvari ayaa ku eedeysan danbi khiyaano iyo wax isdaba marin dhaqaale oo daran, wuxuuna horey u qirtay danbiga lagu soo eedeeyay. Isaga oo sheegay inuu baarlamaanka Norway si xaqdaro ah uga qaatay lacag dhan 450.000 kr.

Xeer ilaalinta dacwada danbiga kusoo oogeyso Keshvari ayaa dalbaday in lagu xukumo 18 bilood ee xabsi ah. Balse qareenkiisa ayaa aaminsan in mudadaas ay tahay mid aad u badan, ayna tahay in la dhimo, maadaama uu Keshvari danbiga qirtay, booliskana la shaqeeyay.

Xukunka kama danbeysta ah ee Keshvari dhici doono jimcaha soo socoto.

Marka ay dhageysiga dacwadan dhamaato, waxaa dhanka kale Keshvari sugayo maxkamad kale oo la xiriirta danbi ku saabsan hanjabaad dil.

Xigasho/kilde: Keshvari tilstår grovt bedrageri: – En av de tyngste dagene i mitt liv

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments