Warbixin cusub: Xeerarka AAP ee NAV ayaa dad badan ku qasba inay ceyr qaataan.

0
85

Arbeidsavklaringspenger(AAP) waa taageerada dhaqaale ee la siiyo qofka xanuun ama dhaawac dartiis shaqada si kumeel gaar ah uga istaagay, balse aan wali gaarin howlgab shaqo oo dhameystiran. Waana lacag loogu talagalay in si kumeel gaar ah qofka loo siiyo, inta laga cadeynayo xaaladiisa caafimaad, si uu shaqada dib ugu soo laabto ama uu xanuunkaas/dhaawacaas dartiis uu shaqada uga fariisto.

Dowlada Norway ayaa sanadkii lasoo dhaafay hoos u dhigtay mudada kumeel gaarka ah ee qofku uu qaadan karo lacagtaas, waxaana laga dhigay sadex sano, halkii ay markii hore ka aheyd afar sano.

Warbixin maanta soo baxday ayaa lagu sheegay in dhimista xiliga kumeel gaarka ah ee lacagtaas dadka lagu taageero, ay keentay in dad badan ay NAV ka qaataan lacagta ceyrta. Halkii ay shaqadoodii dib ugu noqon lahaayeen, maadaama waqtiga kumeel gaarka ah lagu soo yareeyay.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in ujeedadii ay dowlada ka laheyd dhimista xiliga kumeel gaarka aysan guuleysan. Balse ay uga dartay xaalada dadka ay arintan khuseyso, maadaama dhaqaale ahaan iyo niyada ay u hayaan shaqada ay hoos u dhacday.

Xigasho/kilde: Antallet personer som går fra AAP til sosialhjelp øker markant

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments