Ninkii shaqada siiyay qoxootiga sharci la aanta ah oo la xukumay.

0
102
Foto: Sissel M. Rasmussen

Maxkamada Oslo ayaa shaley sanad xabsi shuruudeysan ah ku xukuntay Arne Viste, isaga oo lagu helay danbi ah inuu shaqaaleysiiyay dad qoxooti ah oo Norway sharci aan ku heysan.

Shirkada ninkan ayay sidoo kale maxkamadu ku xukuntay ganaax dhan 1,5 milyan Kr, waxaana lagala wareegay 1,4 milyan.

Ninkan ayay xeer ilaalintu ku eedeysay inuu si ula kac ah u jabiyay xeerka soo galootiga Norway, kaas oo diidaya in qofkii aan sharci ama ogolaansho shaqo wadanka ku heysan, uusan ka shaqeyn karin. Isaga oo lacag mushaar ah bil walba siin jiray tobanaan qoxooti sharci la aan ah oo shirkadiisa ka shaqeynayay.

Arne ayaa horey u sheegay inuu diyaar u yahay inuu xabsi u galo arinta lagu soo eedeeyay, isaga oo sheegay inuu gutay waajibkiisa bini-aadantinimo.

Viste dømt til ett års betinget fengsel

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments